AQLABIYADA BAARLAMAANKA DENMARK OO SOO WADA SHARCI MAMNUUCAYA LACAGAHA DALALKA DIBADA LAGA SOO DIRO SI LOOGU DHISO MASAAJIDO.

RH: Arintan ayaa timid kadib kolkii dhawaan lagu dhisay masaajid ku yaala magaalada Kobenhagen 5 milyan oo karoon oo ay ku deeqday dawlada Sucuudigu.

wasiirka ajanabiga iyo qalabixinta  wadankan Denmark Mattias Tesfaye  ayaa saaka TV2 usheegay in ay dhisida masaajidadu xagal daacineyso mabaadiida Denmark.  

”Waa in aynaan noqonin kuwo beer jilicsan , waxa jira awoodo xagjir ah oo ku hawlan in ay badallaan mabaadiida wadankan Denmark, kuwaasoo raba in ay ka xuubsiibtaan dimuquraadiyada, waana sababta aanu usoo jeedinay in sharcigan la ansixiyo.” ayuu TV2 ku yidhi Mattias Tesfaye.

Shacigan ayaa qoraya in wixii ka badan 10,000 kr    loo aqoonsandoono sharci daro hadii masaajid, hay’ad ama shakhsi  uu kahelo dalka dibadiisa.

Sharcigan ayaa la filayaa in uu  dhaqan gallidoono 1.July.2020 ka.

Category