Beesha caalamka oo ka hadashay heshiiska doorashada Soomaaliya

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka xun yihiin in hanaanka doorasho ee ay isku raaceen hogaamiyayaasha Soomaalida uu ka hooseeyo “yoolkii Soomaaliyeed ee ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.”

“Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka.

Qoraalkaas ayaa si kastaba lagu sheegay in saaxiibada ay garwaaqsan yihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.

“Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo.”

Saaxiibada beesha caalamku ayaa sheegay inay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.

xigasho.VOA

Category