Ciidanka Qaranka Jsl Oo Sameeyey Goob Lagala Socdo Dhaqdhaaqa Cudurka COVID-19

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Eng. Cabdiqani Maxamud Cateeye Fariid ayaa booqday Xarunta Hawl-galka Ciidamada Qaranka ee Diyaargarowga iyo Ka-hortaga cudurka safmarka ah ee COVID19.

Wasiirka ayaa halkaa warbixin kaga dhegaystay Abaandulaha Ciidanka Qaranka Gen. Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afgudud oo ay wehelinayaan Taliye Ku-xigeenada Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda, Asluubta, Booliska, Laanta Socdaalka iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska.

Xarunta Hawl-galka Ciidamada Qaranka ee Ka-hortaga COVID19 ee loo asteeyay in ay noqoto MIISKA Saraakiisha ayaa laga hagi doona hawlaha Ciidamada Qaranka ee la xidhiidha diyaargarowga cudurkan sida, sugida meelaha dalka laga soo galo, hirgelinta siyaasadaha iyo awaamiirta dawlada ee la xidhiidha ka-hortaga cudurkan iyo sidoo kale ururinta iyo wadaaga xogaha la xidhiidha cudurkan ee gobolada iyo degmooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa aad u soo dhaweeyay wada-shaqaynta dhow ee Ciidamada kala duwan ay ka yeesheen ka-hortaga cudurkan COVID19. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Qaranku ay mar kasta garab taagan yihiin shacabkooda, hawshan ay qayb libaaxle ka qaadan doonaan, sidii ay uga hawl-galeen abaarihii waddanka soo-maray iyo dufaanadii ka dhacay galbeedka iyo xeebaha dalka.

Wasiirka ayaa ciidamada iyo shacabka ku booriyay in cudurkan safmarka lagaga gudbi karo Diyaargarow, Fejignaan iyo Wada-shaqayn.

 

Category