Covid-19 heerka dhimashada ee Denmark iyo Caalamka intiisa kale.

RH: Tirada dadka u geeryoonaya caabuqa Corona ayaa maalinwalba sii kordheysa waxaaney warbixintii ugu dambeysay ee maanta ay hay'ada agaasinka caafimaadku xaqiijisey sheegayaan in ay ilaa hada u geeryoodeen COVID-19  dad tiradoodu gaadheyso 32 qof, dadkan ayaa qaarkood hore u qabeen xanuuno kale.

 

Faahfaahin.

32 qof oo Virus ku soo gaadhey ayaa ilaa hada u dhintey

301 ayaa cibitaalka loo dhigey Covid-19

58 kamid ah xaaladoodu way liidataa.

Guud ahaan dalka Denmark waxa Viruska Corone qaadey ama la qaadsiiyey 1.577 qof, waxaa ilaa shaley ku kordhey 127 qof Waxaa la baadhey ilaa hada 13.756 qof.

bvgt

Dhanka kale Dalka Denmark ayaa shaley bilaabey in uu wadankiisa gudihiisa ku sameysto, isbiirtada faraha la marsado ee jeermiska disha, iyo maaskaha afka lagu xidho.

Waxaa dhanka kale la dheereeyay xilliga uu dalku sii xidhnaandoono oo laga dhigay tan iyo 13.Abriil.2020.

 

Dalalka kale iyo heerka dhimashada Covid-19

 

fdgt

 

kala soco maallinwalba wararka Denmark iyo caalamka kale

 

Diyaarinta warka.

Mohamed-amin Siyaad Abdi

 

 

 

Category