Cudurka Corona: Denmark oo xuduuda u fureysay dadka is jecel ee fayraska uu kala xiray

Dowladda Danmark waxa ay xuduudaha u furtay lammaanayaashii ku kala xayirnaa bandowga uu sababay coronavirus.

Laga bilaabo maalinta Isniinta, lamaanayaasha ku sugan xudduudaha ee degganaanshaha ka heysta waddamada Scandinavia-ka ama Jarmarka waxay hadda booqan karaan Denmark.

Xeerarka waxay hadda u baahan yihiin in dadka ay caddeeyaan xiriirkooda oo uu sawiro la socdo, farriimaha qoraalka iyo email-lada ay is dhaafsadeen.

Laakiin wasiirka cadaaladda, ayaa ku dhawaaqay, in qawaaniintan ay hirgeli doonaan maalmaha soo socda, sidaa darteed waxa kaliya ee loobaahanyahayna ay tahay warqad ay wada saxiixeen labada dhinac.

"Haddii ayaa tiraahdo waxaan nahay saaxiibo, aadna saxiixdo [warqadda], waxaan ka soo qaadeynaa in ay [run tahay]," wasiirka caddaaladda ayaa sidaasi u sheegay telefishinka TV2.

Qaar badan oo ka mid ah waddamada reer Yurub, ayaa ka fiirsanaya in ay dib u furaan xuduudaha Yurub dhexdooda ah, xilli uu cudurku ka sii yaraanayo qaaraddaas.

Dalka Jarmalka ayaa soo jeediyay in la ogolaado in loo safro dhammaan 26-da waddan ee midowga yurub oo ay weheliso Boqortooyada Ingiriiska iyo kuwa aan ahayn EU-da sida Iceland iyo Norway ee ku yaalla aagga aan xuduudda la lahayn ee 'Schengen' laga bilaabo 15-ka bisha Juun.

Midowga Yurub wuxuu soo saaray hage ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo qaadi karo xayiraadaha safarka.

Laakiin, weli meelo badan waxa ka jiro xayiraado. Dhowr qof ayaa BBC-da u sheegay sida ay uga careysan yihiin xeerarka socda ee ku saabsan lamaanayaasha iyo xitaa sida waddammada ay u fududeeyaan tallaabooyinkooda bandowga.

Maxay yihiin xeerarka?

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya, in dadku laga doonayo in ay bixiyaan magaca, cinwaanka iyo faahfaahinta xiriirka ee lammaanahooda ku sugan Denmark, iyo sidoo kale diiwaangelinta taleefannada, sawirrada iyo taariikh-qoraaleedkooda, si loo caddeeyo xiriirka ka dhaxeeya.

Deganaanshaha rasmiga ah ee waddamada Finland, Iceland, Jarmalka, Norway iyo Sweden dhamaantood way u qalmaan, haddii lammaanahoodu yahay mid deggan Denmark.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay, in tani ay quseyso oo keliya dadka xiriirka rasmiga ah ka dhaxeeyo, taas oo ay ku tilmaameen ku dhawaad lix bilood - oo kulamo fool-ka-fool ah oo aan toos uga dhicin khadka internet-ka ama talefoonka.

Xisbiyada mucaaradka, si kastaba, waxay dhalleeceeyeen shuruucda adag, waxayna dhalisay in dowladdu dib uga fiirsato.

In kasta oo ay ku dhegan yihiin hagidda ku saabsan xiriirrada"rasmiga ah", lamaanayaasha ayaa si fudud ugu baahan doona in ay saxiixaan warqad caddeynaysa in ay tani tahay arrinta jirta ka dibna loo oggolaan doono in ay dalkaaas galaan.

Xeerarka ayaa sidoo kale sheegaya in qof kasta oo ka imaanaya Jarmalka ama dalalka Scandinavia ee leh guri fasaxyada uu u imaan jiray, uu haddana imaan karo dalka.

Sidee ayay tani u saameyn doontaa lamaanaha isku cusub?

Xeerka cusub wuxuu war fiican u noqonayaa kumannaan lamaane oo kala maqan.

Mid ka mid ah lamaanaha indhaha caalamka soo jiitay markii uu cudurka ka dillaacay Yurub bishii Maarso, wuxuu ahaa Inga Rasmussen oo reer Denmark ah, dhakhtar dhanka jimicsigana ah iyo Karsten Tüchsen Hansen oo Jarmalka u dhashay.

Labaduba waxay u safreen magaalada xuduudda ee Aventoft, si ay u sheekaystaan oo ay cabitaan u wada cabbaan, iyagoo fadhiya meel kala fog oo lagula taliyay ahna labada dhinac ee xuduudda.

Balse waxaa jira kuwo badan oo weli ay kala maqan yihiin lamaanahooda oo xudduudaha ku xayiran.

vfg

Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Image captionInga Rasmussen oo Denmark u dhashay, midig, iyo Karsten Tüchsen Hansen waxay ku kulmayeen xuduudda

Qaar ku sugan dalka Denmark ayaa sameeyay group facebook ah oo ay ugu magac dareen saaxiibbada ku kala fogaaday xudduudaha xiran, taas oo loogu talagalay kuwa uu saameeyay bandowga.

Carl Gustav Gylling, oo ah 23 jir arday ah oo reer Copenhagen ah, ayaanan arkin saaxiibtiis oo reer Switzerland ah ilaa bilawgii bishii Maarso. In kasta oo uu taageeray xannibaadda markii hore, Mr Gylling ayaa u sheegay BBC, in uu aad uga xumaaday dawladaha reer Yurub in ay ka wadahadlaan furitaanka xudduudaha dalxiisayaasha iyo ganacsiga caalamiga ah, balse aysan ka hadlin in ay si joogto ah isku booqdaan dadk is jecel ee kala xaniban.

"Waxaan aad u hubaa in xilligan ay lamaanayaashu wax walbo u sameynayaan, sidii midba midka kale uu u arki lahaa," ayuu ku yiri farriin email ahayd. "Xitaa inaad gasho karantiil seddex toddobaad ah [markii la yimaado], taas oo asal ahaan xallin doonta dhibaatooyinkan oo dhan."

Christian Trampedach - oo laga fogeeyay saaxiibtiis, oo ku nool Brazil - ayaa sheegay in dowladdu ay "tixgelisay lammaane iyo dalxiisayaal" intii lagu jiray wadahadalada ku saabsan soo af-jaridda badowga.

"Waxaan ku dhiiraday inaan idhaahdo ka' maqnaanshaha qof aad jeceshahay waxay keenaysaa murugo badan oo qiiro leh, sidii in lagu qasbay inay ka boodaan fasaxa xagaaga oo kale," ayuu yiri.

Donny ter Heide waa injineer 24 sano jir ah, kuna nool magaalada Enschede ee Holand. Gabadha uu saaxiibka la yahay ee Mira waxay ku nooshahay magaalada Copenhagen, ismana arkin tan iyo 16-kii bishii Febraayo.

Waxay si maalinle ah ugu sheekeysan karaan qadka telefoonka iyo internetka, iyagoona isbuucii mar isticmaali kara barta Skype-ka.

Wuxuu BBC-da u sheegay, in qeybta ugu xun ay ahayd in aysan heysan ''waqti go'an'' oo nolosha ay sidii caadiga ahayd ku soo noqneyso.

"Waxaan jeclaan laheyn inaan ogaanno goorta aan awoodno inaan is aragno iyo waxa sharciyada ay noqon doonaan, haddii aan midba midka kale booqanno, tusaale; ma waxaan u baahannahay inaan ku ekaano karantiil ama wax kastaa?," ayuu yiri. "Labadeenuba wey nagu adkaaneysaa."

Laila Svanholmer ayaa ku raacday. Saaxiibkeed wuxuu ku nool yahay magaalada Clifornia ee dalka Mareykanka, waxayna BBC-da u sheegtay in aysan ogeyn goorta ay mar kale arki doonto, taas oo ah "wax aan loo dulqaadan karin".

"Waa jahwareer, walaac iyo qalbi jab, inaad si qasab ah uga fogaato qofkii aad jecleyd," ayay tiri, iyadoo ku tilmaamtay xiritaanka soohdinta "gebi ahaanba go'aanno siyaasadeed", oo aan ahayn kuwa xagga caafimaadka ah.

Waxay kaloo su'aal gelisay, sababta dalxiisayaasha guryaha fasaxa leh ay u booqan karaan oo aysan u booqan karin lamaanahooda."Waxay halkan u imaanayaan in ay muddo hal ama labo isbuuc ku qaataan xeebta. Sidee taasi ay lagama maarmaan u noqon kartaa, marka loo eego booqashada qof aad jeceshahay?"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xayiraad dhanka safarka ah ku soo rogay 26 dal oo Yurub ah bishii Maarso, tallaabadaas oo ay ka dhalay caro iyo jahwareer ka dhacay Midowga Yurub.

 

isha warka. BBC

Category