Dadkii deganaa xaafada Vollsmose dilka kadib 'Waxan kuma sii jiri karno’

Laba nin oo dhallinyaro ah ayaa habeen hore la toogtey mid kamid ahi waa dhaawac liita halka kan kale uu  goobtii kuqudhbaxay

Intaas ayaa dhib noogu filan ka badan ma karno, waa sidii uu ku dareen celiyey  Ali Hassan oo u  waramey DR

 Ali Hassan  oo kaashanayana dhallinyaro ay saaxiibo yihiin ayaa sheegay in aaney wixii hada ka dambeeya u dulqaadan doonin waxan oo kale, waxaanu itaas raaciyey in ay kullan baroordiiq ah ku qaban doonaan goobtii Cabdi Nuur lagu dilay  saacadu marka ay tahay kl. 15:00.

Dhacadan argagaxa ku abuurtey dadka xaafada Vollesmose degan ayaa dhacdey habeenkii arbacadaa wax yar ka hor saqdii dhexe  waxaana xabad lagu riday u dhintay Cabdinuur Ismaacill oo ahaa Soomaali 31 jir ah isaga oo ka soo baxay salaada cishaa oo uu kusoo tukadey masjid halkaas ka ag dhawaa.

Wax shuqul ah kumuu laheyn baandada colaadu ka dhaxeyso

 Goobtii lagu dilay ee wadada Egeparken ee xaafada Vollsmose  waxaa la sudhey sawirkiisa , la dhigayaa ubax  iyo shamac olololaya  si loogu xuso ninkan dhalinyada ah ee sida lama filaanka ah loo dilay  , goobta murugada dadka ayaa ku kulmidoona iyaga oo iska wareysanaya wixii ay ka sameyn lahaayeen dhibka baandada ee xaafadooda kajira  sida uu sheegay Jaamac Faarax.

vbghy

 

Todobaadkii hore ayaa iyana rasaas laga riday xaafadaas booliiskuna waxa uu aamin sanyahay in labada dhacdo xidhiidh leeyihiin.

Waa maallin murugo leh , nin dhallinyaro ah oo mustaqbalkiisa intii uwanaagsaneyd hada uun galay in uu qaabkaas u dhinto, ayuu yidhi Ali Hassan oo uwaramey telefishinka DR.  Waxa uu ku sifeeyey 31 jirka la dilay nin dhallinyaro ah oo danihiisa ku mashquulsan oo shaqeysta .

Waxa uu sheegay in uu sifiican uyaqaaney oo ay xaafadan kusoo wadakoreen

Mudaharaad la hadal hayo

Dhimashada ninkan dhallinyarada ahi way ruxday xaafada sida uu sheegay Ali Hassan ,

Gurigiisa ayuu kusoo socday  koldkii uu soo shaqeystay soona tukadey kadibna ….. haa ….. Waa la toogtey oo la dillay ,

sida ay isku raaceen dadka xaafada daganin wax shuqul ah kumuu laheyn hawlan baadooyinka,

Waxaanu doonaynaa in aanu cadeyno in aanaan waxan kusii jirikarin waxaana loo balamey in kullan baroor diiq ah la isugu yimaado maanta saacadu marka ay tahay 15 si loo xuso Cabdinuur loona arinsado.

ayuu intaas raaciyey Ali Hassan

Waxaa qorey DR

Waxaa tarjumay , Mohamed-amin Siyad Abdi

Category