Dal ku yaalla Afrika oo dekad ka kireeyay dal ay daris yihiin

Maputo (RH)-Dowladda Mozambique ayaa ogalaatay inay Dekadda Nakala ee dalkeeda ka kireeyso dalka ay jaarka yihiin ee Malawi, kaasi oo isagu aan bad laheyn.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa todobaadkii hore kala saxeexday isfaham hordhac u ah heshiiska kirada Dekadda Nakala.

Heshiiska ayaa lagu sheegay inuu xoojin doona xidhiidhka ganacsi ee ka dhaaxeeya Mozambique iyo Malawi. Iyadoo dalka Malawi balanqaaday inuu dhimi doono isticmaalka dekaddaha dalalka South Africa iyo Tanzania. Bedelkeeda uu kordhin doono isticmaalka dekaddaha Mozambique.

Inta waxa dheer in Dalka Malawi uu kiro joogta ah ka bixin doono isticmaalka Dekadda Nakala, iyadoo dhinaca kalena ay kordhin doonaan isticmaalkooda dekadda Beira oo cidifka koonfureed ee Mozambique ku taala.

Madaxweynaha Mozambique, Philippe Nucivos ayaa sheegay in heshiisku uu taageeri doono hindisayaal uu ka mid yahay, "mashruuca korontada wadajirka ah" ee Mozambique iyo Malawi.

Dekedda Nakala ayaa ka qeyb aheyd horumarinta Marinka Nakala (Nakala Corridor) oo lagu dhisayey jidka laamiga ah ee dalka Mozambique ku xidha dalalka Malawi iyo Zambia oo iyagu aan bad laheyn. Waxa intaa dheer in dayactir lagu sameeyn doono jidka tareenka ee aada caasimadda dalka Malawi.

ISHA: Trade Facilitation Analyst

W/Q Abdirahman Mohamed Ibrahim
 

Category