Denmark: Afxidhkii oo dib loo soo celinayo iyo caruurta 5-12 sanno oo la talaali rabo

RH. Kadib kolkii uu sare u kacay fiditaanka Covid-19 wadanka Denmark ayaa dawlada uu hogaamiyo xisbiga Social Demuqraadiga oo taageero ka helaysa aqlabiyada xisbiyada baarlamaanka waxa ay ansixiyeen xeer lagu xakameynayo fiditaanka xanuunka oo gaadhay halkii u sareysay mudo kabadan sannad, waxaana laga bilaabo Isniinta 29 bishan Nofember.21  la waajibiyey in afxidhkii dib loo isticmaalo .

Denmark ayaa dhamaankii bishii ogosto shaacisey in ay xakameysay xanuunka Covid-19 waxaana dalka laga qaadey tan iyo xilligaas dhamaanba xayiraadaha covid-19 iyada oo mudadaasina la talaaley ilaa 90%  bushada wadanka .

waxaa iyana maanta la ansixiyey xeer kale oo ogolaanaya in latalaalo caruurta ay da'doodu u dhaxayso 5-12 sanno.

Waxaa iyana soo baxaya qalyo dhaan kusaabsan nooc cusub oo jermiska ah oo laga helay dalka koonfurta afrika kaas oo isna sababi kara in uu xayiraado ku soo kordhiyo dhanka isu socodka qaaradaha.

celcelis ahaan waxa uu ku dhacaa maallintii Covid-19 wadanka denmark 4000 qof taas oo ay laamaha caafimaadkuna ka cabanayaan culays dhanka shaqaalaha ah oo soo fuulay iyo xanuunadii kale oo daaweyntooda wakhti loo la' yahay,

wadanka Denmark waa lacagla,aan gabiahaanba daryeelka caafimaadku.

Category