Denmark: Mohamed waa Injineerka dhisaya dabaqyo dhaadheer oo laga hirgalindoono Kolding

RH. Kolding: Wax la sugaba waxaa la dhagax dhigay dhismayaasha dhaadheer ee laga dhisi doono waddada Fjordbrynet oo kutaala  Lystbådehavn Kolding.

Si xawli ah ayaanu u bilowday  hirgallinta dhismahan ayuu Mohamed Farah usheegey wargeyska JV. Dhismaha waxaa maalgaliyey  saduuqa hawlgabka ee PFA.

Hadii qurshuhu sida loogu talogalley udhaco waxaa la dhisidoonaa 104 guryi oo Abaartmentyo ah  kuwaas oo isugu jira 9 dabaq iyo 14 dabaq guryaha qaybtooda kore waxay noqon doonaan guryo iib ah halka qeybtooda hoose noqondoonto guryo kiro ah  waxaana dhismaha ka dhaxeyndoona meelkore oo ay dhamaan dadka degan dhismuhu ka daawankaraan muqaalka quruxda badan ee bada iyo xeebta.

Masuuliyada mashruucu hada garbaheyga ayey saarantahay ,laakiin dabcan xubno kale oo ka tirsan shirkadayada Adsbøll ayaa ila shaqeyndoona ayuu wargeyska u sheegay Mohamed Farah.

Guud ahaan waxa uu mashruucu kakoobnaan doonaa 4 dhisme oo dhaadheer  iyada oo marba laba la dhameystiridoono.

Waanu dayndoonaa dhirta si ay cagaarka , biyaha iyo dhismuhu isu buuxiyaan ayuu wargeyska u sheegay Mohamed Farax oo ilaa 1.Abriil hayey masuuliyada mashruucan balaadhan islamarkaasina la rajeynayo in uu gacanta ku sii hayndoono tan iyo inta qeybna la kireyndoono qeybna la iibin doono bartama sannadka 2021ka .

Hore waxa uu  Mohamed uga soo shaqeeyay shariikad Jarmal ah isaga oo mashruuc hogaamiye ka ahaa, waxa uu sidoo kale wax kadhisay cisbitaalka Aarhus iyo Gødsrtup , waxaanu ugu dambeyntii dhisay hotel wayn oo kuyaala Køge oo hoostimaada gobalka Kobenhagen.

Mohamed isaga oo la socda qoyskooda ayuu kasoo qaxey dalka soomaaliya sannadkii 1991 waxaanu xilligaasi da’ ahaan jiray 5sanno oo kaliya , waxa uu xero qaxooti ka galley kenya  ilaa  ay kasoo galleen Denmark oo ay dageen magaalada Fredericia , waxa uu ka bilaabey fasalka koowaad ilaa Gymasium( dugsiga sare) kadibna waxa uu galley jaamacada SDU faraceeda magaalada odensa.

Waxa la igu barbaariyey in aan isku filnaado iyo in ay waxbarashadu tahay wax aad muhiim u ah, waxa aan jeclaa kubada ( banooniga) laakiin waallidkay waxay igu odhanjireen waxbarashada ayaa noo muhiim ah in aad xooga saarto, taas oo aan maanta uga mahadnaqayo, waxa ay aheyd hawl culus laakiin  waa in la dhibtoodaa si loo gaadho nolol raaxo leh ayuu yidhi Mohamed Farax.

 

Tusmo kooban oo kusaabsen Mohamed.

Mohamed Farah,  waa 28 jir. Waxa uu  jaamacada Odensa ka bartey cilmiga Injineeriyada dhismaha , Xaas ayuu  leeyahay laakiin xaaskiis oo Soomaaliyad ah ma imankarto Denmark waxaaney hada ku nooshahey Itoobiya, wakhtigiisa firaaqada ah waa tababare kubada cagta .

vfgtt

Radio Hormuud  ahaan waxaanu leenahay Mohamed Hambalyo guusha aad ka gaadhey dadaalkaagii waxbarasho.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi.

isha warka  waxaa leh wargeyska JV.dk

 

Category