Denmark: Tirada dadka uu ku dhacey caabuqa Corona oo mareysa 424 qof

RH: Wadanka Denmark ayaa ka mid noqdey wadamada uu saameeyey xanuunka sida ba'an u fida ee Corona , tirada dadka uu asiibey iyo sida xawliga ah ee ay ukordheyso ayaa sababey in la baajiyo kulamo aad u tirobadan oo dad isugu iman lahaa, sida ciyaaro, tiyaataro, kullano waxbarasho IWM. 

waxayaabaha layaabka leh waxaa kamid ah tirada dadka qaadaya xanuunka ayaa aad u kordheysa maalinwalba tusaale ahaan shaley tirada dadka la diiwaangaliyey waxa ay aheyd 262 qof , maatana waxaa ku biiray 180 qof.

ilaa shalley laba iskuul ayaa loo xidhay adey uu xanuunku soo gaadhey darteed.

Goaamdii ugu dambeeyey ee ay maanta dawladu soo saarteyna waxaa ka mid ahaa

1.in aan  la kulmin karin dad gaadhaya 1000 qof,

2. in aan gaadiidka dadweynaha la raacin xiliyada saxmada maadaama oo rakaabku badanyahay dadkuna isu dhawaan karaan.

3.in dhaqaale ahaan la caawiyo shariikadaha ay dhibaatadani saameysay oo ay ugu horeeyaan kuwa socdaalka iyo dalxiiska.

4. In la joojiyo is gacanqaadka

5. nadaafada kor loo qaado , farahana lala ogaado shaabooga jeermiska dila marar badan maallintii.

Waxa kale oo gabi ahaanba la mamnuucey in ay soo galaan Denmark dadka ka soo jeeda dalalka uu xanuunku asiibey sida Shiinaha iyo talyaaniya ,koonfur kuuriya ,Iiraan iyo qaarkaloo badan.

Dhanka kale waxaa la karntinimeeyey 1303 qof oo ka ag dhawaa dadka uu xanuunkani ku dhacey . 

Ilaa hada ma jiro qof u dhintey xanuunta Carona wadanka Denmark waxaase jira tiro la daweeyey oo guryahoodii ku noqdey.

Category