Diinta iyo Isirka oo hadheeyey doorashada UK

Jimcihii la soo dhaafay ayaa ra'iisalwasaaraha Britian Boris Johnson wuxuu ku hakaday foorno ay leeyihiin dad Yuhuud ah halkaas oo warbaahinta uu kula hadlay xilli ololaha doorashada guud ee dalkaasi uu marayay meel xasaasi ah.

"Waa in aad ninkaas naga badbaadisaan," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii halkaa joogay, wuxuuna ula jeeday hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Labour, Jeremy Corbyn. "Haddii kale, dhammaantayada waanu isga bexeynaa waddankan," ayuu sii raaciyay nin kale.

Sannaddo yar ka hor, way adkeyd in Ra'iisalwasaare British ah - gar ahaan mid dhawaan uun ay golaha muslimiinta Britain ku eedeeyeen in uu iska indhatirayo isla markaana uu beeninayo inuu jiro nacaybka ka dhanka ah muslimiinta - uu doorbido in arrinta diinta uu udub dhexaad uga dhigo ololihiisa doorashada.

Balse muran dhanka diimaha ah gaar ahaan tan Yuhuudda, Islaamka iyo Hinduuga ayaa hadda hareeyay siyaasadda dalkaasi Britain.

Codka dadka Yuhuudda

Marka arrinta laga eego dhanka dadka "balaayo sheegga ah", way adag tahay amaba suurtagal ma ahan in Boris Johnson oo ah hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ah in uu taageero codeed weydiisto dadka Yuhuudda, sidaa awgeedna uu ugu hakaday foornadaas.

Dadka Yuhuudda ah waxay tiro ahaan yihiin 0.5% marka loo eego guud ee dadka ku nool Britain, waxaana iska cad in aysan wax weyn ka badali karin tartanka doorashada oo musharrixiintu ay aad isugu dhow yihiin.

Laakiin, waxaa sidoo kale wax weyn ah in dad Yuhuud ay u codeeyaan xisbiga Conservative-ka ee hadda talada haya, iyaga oo ka cararaya xisbiga mucaaradka ee Labour-ka oo in badan loo arkayay in uu yahay xisbiga kaliya ee la dagaallamaya cunsuriyadda isla markaana bulshooyiinka laga tirada badan yahay ay inbadan taageeri jireen.

Sidaa awgeed, eedeymaha dhawaan soo baxay ee ah in hoggaanka sare ee xisbigaasi iyo xubnaha kale ee xisbigu ay qabaan afkaar Yuhuud nacayb ah ayaa sumcad darro ku ah xisbigaas.

Eedeymaha Yuhuud nacaybka

Markii Jeremy Corbyn uu sannadkii 2015 la wareegay hoggaanka xisbiga mucaaradka ah wuxuu noqday hoggaamiyaha aadka ugu janjeera garabka bidix ee soo mara taariikhda dalka Britain.

Iyadoo markii horeba xisbiga shaqaalaha (Labour-ka) uu u janjeeray dhanka qaddiyadda Falasdhiyiniinta isla markaana uu aad uga soo horjeeday saameynta bulshadu ku leeyihiin shirkadaha ganacsi ee waaweyn, haddana waxay afkaarta xisbigan sii fogaatay intii uu majaraha u hayay Jeremy Corbyn.

Waxaan markiiba dood laga keenay in dhaliisha xubnaha xisbigaas ay u soo jeedinayeen Israa'iil ay markii dambe u xuub siibteen Yuhuud nacayb iyo in weerarradooda ka dhanka ah shirkadaha ganacsi ay tahay mid loola jeedo dadka Yuhuudda ah ee baannanka dalkaasi maamulo.

Arrimahaasi oo dhan markii ay isbiirsadeen waxaa aad u yaraatay taageerada dadyowga Yuhuudda ah ay u hayaan xisbigaasi uu hoggaamiyo Jeremy Corbyn.

Ka hor doorashadii sannadkii 2015-kii ee Jeremy Corbyn uu kula wareegay hoggaanka xisbigaasi, waxaa xisbigani hoggaamin jiray Ed Miliband oo asal ahaan Yuhuud ah, waxaana taageerada dadyowga Yuhuudda ee xisbigaasi lagu qiyaasayay 22%, balse taas waxay meesha ka baxday doorashadii 2017-kii waxayna gaartay 13%, haddana waxay mareysaa boqolkiiba 6%. Hoos u dhacaas ayaa loo aaneynayaa hoggaanka Jeremy Corby.

Guddiga sinnaanta iyo xaquuqul insaanka Britain ayaa xisbigaasi Labour-ka ku billaabay baaritaan rasmi ah ka dib markii ay cabasho ka soo gaartay kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha Yuhuuda.

Corbyn ayaa shakhsiyan dhawr jeer cambaareeyay dadka ay ku fogaatay afkaarta Yuhuud naceybka, wuxuuna raalligelin ka bixiyay in xisbigiisa uu tallaabo ka qaadi waayay shakhsiyaadka lagu tuhmayo in ay Yuhuuda naceb yihiin. Sidaa awgeed, wuxuu baaritaanka arrintaas u saaray guddi madax-bannaan oo xaqiiqo raadin ah.

Inkastoo taageero la'aanta Yuhuudda aysan shaki gelinayn rajada uu xisbigani ka qabo doorashadan dhici doonta beri oo khamiis ah, haddana xaqiiqada ayaa ah in ay dhibaato ka soo gaareyso in lagu eedeeyo in uu necebyahay dadka Yuhuudda ah.

Islaam nacayb

Ninka si weyn ula tartamayo Corbyn oo ah hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka isla markaana ah ra'iisalwasaaraha hadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa sidoo kale waxaa ololahiisa doorashada hareysay eedeymo ay u soo jeedinayaan bulshooyinka diimaha laga tirada badan yahay - tusaale ahaan bulshada Muslimka ah ee Britain oo tiro ahaan gaaraya 5% ee guud bulshada dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, waxay golaha Muslimiinta Britain ku eedeeyeen xisbigiisa in uu "aad ugu dul qaato Islaam nacaybka, sahlayna in arrintaas ay ku faafto bulshada dhexdeeda isla markaana uu ku guuldareystay in uu dejiyo qaab wanaagsan oo arrintan looga cirib tirayo bulshada dhexdeeda."

Johnson ayaa shakhsiyaddiisa mar lagu eedeeyay in uu "u gafay" Islaamka. Waxa ayna ahayd dhambaal uu qoray, kaa oo uu ku dhaliilay dharka dumarka Muslimiinta jirkooga iyo wajigooga ku daboolaan, wuxuuna ku tilmaamay "mid cabburin ah". Wuxuuna sheegay in dumarka dharkaasi ku lebbista ay u muuqaal egyihiin "tuugada bangiyada dhaca" ama xitaa sanaadiiqda lagu rido waraaqaha. Maqaal kale ayuu sidoo kale uga hadlay arrimo lid ku ah Islaamka.

Ra'iisalwasaare Johnson ayaa raalligelin ka bixiyay "wax kastaa oo dhib ah" oo ka dhashay Islaam nacaybka ee xisbigiisa lagu eedeeyay, wuxuuna ballanqaaday in uu sameynayo guddi baaritaan oo arrintaasi soo eego ka hor ciidda Masiixiga ee dhammaadka bishan.

Inkastoo Muslimiintu aysan aad u taageerin xisbigiisa muxaafidka, ayna boqolkiiba 87% Muslimiinta dalkaasi ay sannadkii 2017 u codeeyeen xisbiga Labour-ka, haddana waxaa ciriir sii galaya tirada yar ee xisbigan uu hoggaamiyo Johnson uu ka helay Muslimiinta.

Olole dhanka baraha xiriirka bulshada ahi

Barta intarneedka ee wargeyska Buzzfeed ayaa shaaciyay war sheegayay in guddiga umuuraha Islaamka ee dalka Britain oo xaruntiisu tahay London uu farriimo Whatsapp-ka ugu dirayay Muslimiinta, kuwaa oo loogu baaqayay in aysan u codeyn musharrixiinta xisbiga muxaafidka ee uu hoggaamiyo Boris Johnson, kaas oo ay ku sheegeen in uu "aad u soo dhaweeyo Islaam nacaybka isla markaana aad uu u taageero Israa'iil iyo tacaddiyada ra'iisalwasaaraha India Narendra Modi uu ku hayo dadka Kashmir."

Farriimahaasi ayaa aad loo dhaliilay waxaana lagu sheegay in ay bulshada dalkaasi kala qeybinayaan isla markaana ay lid ku yihiin shuruucda doorashooyinka iyo ilaalinta xogta shakhsiga.

Golaha Muslimiinta waxay dhankooda sheegeen in aan fursad loo siin in uu ka jawaabo eedeymahaasi laguna saleynayo qaabka ay Muslimiintu xisbiyada u kala doortaan.

Balse golahan oo kaliya ma ahan kuwa lagu haysto in ay sameysteen madal Whatsapp-ka ah oo ay ka ololeeyaan.

Codadka dadka Hinduuga ah

Inakstoo dadyowga Yuhuudda iyo Muslimiinta ahi aysan sidaa isu badalayn taageeradooda codbixineed, haddana dadyowga Hinduuga ahi ayaa aad ugu xeel dheer arrintaasi.

Sida bulshooyinka kale ee laga tirada badan yahay, ayaa dadyowga Hinduuga ahi waxay waligood taageeri jireen xisbiga Labour-ka, balse waxay haatan u muuqdaan in ay u wareegeen dhanka xisbiga muxaafidka, waxa ayna wadaan olole ballaaran oo ay taageero ugu muuhinayaan xisbigaasi.

Balse laga soo billaabo sanadkii 2010 ilaa 2017, waxaa 40% gaaray taageerada dadyowgaasi Hinduuga ahi oo horey u ahayd 30%, waxaana la filayaa in ay intaa ka sii badato.

Koox isku magacowdo saaxibbada dibadda ee India oo aad u taageerta xisbiga haya talada dalka India ee BJP oo la hadlaysay wargeyska Times of India, ayaa waxa sheegtay in ay la shaqeynayaan musharrixiinta xisbiga muxaafidka si dadka Hinduuga ahi ee ku nool Britain ay uga dhaadhicin lahaayeen in aysan u coden xisbiga Labour-ka.

Arrintaasi ayaa ka dhalatay mowqifka xisbiga Labour-ka uu ka istaagay qaabka dowladda India ay u maareynayso arrinta Kashmiir iyo dhaliisha uu xisbigaasi u jeediyay dowladda dalkaasi.

Farriin la isugu dirayay dhanka Whatsapp-ka oo markii hore loogu tala galay olole kale ayaa haatan waxaa loo dirayaa dadka Hinduuga ahi eek u nool guud ahaan dalka Britain, waxana dadka loo sheegayaa in xisbiga Labour-ka uu si "indho la'aan ah u taageero ololaha been abuurka ah ee dalka Pakistan", sidaa awgeedna ay tahay in ay u codeeyaan xisbiga muxaafidka ee la tartamayo.

Siyaasiinta xisbiga Labour-ka ayaa dhaliilay farriimahaasi, waxaana ay dadka uga digayeen in aysan "ku gadmin ama ku dhicin dabinka kooxo diimeedyada asal raaca ahi ee ay dadka ku kala qeybinayaan ".

Balse waxay sidoo kale doonayaan in ay dib u wanaajiyaan xiriirka kala dhexeeya xisbiga BJP ee dalkaasi India oo ay saameysay arrinta Kashmiir.

Kala qeybsanaan

Doorashadan dalka UK ayaa durbaba loo arkaa mid aad loogu kala qeybsan yahay, xilli waddanka uu ku kala qeybsan yahay arrinta ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taa oo ku saleysan goorta iyo qaabka ay tahay in looga abxo midowgaasi.

Waxaa horraan nadir ahayd in arrinta diimaha lagu soo qaado ama lagu ololeeyo doorashooyinka dalkaasi UK balse haatan waxay u muuqataa in diintu ay door weyn oo kala qeybin ah ay ku leedahay doorashadan berry dhici doonta.

 

Xigasho.BBC

Category