Dowlada Oo Xafiisyada Nootaayooyinka Oo Uga Digtay inay sameeyaan Qoraallo lagula kala Wareegayo Hanti Dowladdu leedahay

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa ka digtay in xafiisyada Nootaayooyinka sharcigu ay sameeyaan qoraallo iyo dhukumantiyo sharci oo dadka loogu kala wareejinayo hanti dowladdu leedahay, tallaabadaas oo ay wasaaraddu ku sifeysay inay tahay mid sharcidarro ah.

Sidaasina waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Somaliland, oo soo baxay maalintii Khamiistii, laguna socod-siiyay Nootaayooyinka dalka isku duwayaasha wasaaradda cadaaladda ee goboladda dalka, lana ogaysiiyay agaasimaha waaxda mihnadlayaasha sharciyada iyo marin u helidda cadaaladda, maayiradda degmooyinka dalka, xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta , wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan.

Ujeedo Reebanaanta kala Wareejinta Hantidda Dowladda ee Nootaayooyinka.

“Mudanayaal anaga oo tix-raacayna qoraal naga soo gaadhay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ee sumaddiisu tahay HAN/GQ/07/068/2020 kuna taariikhaysan 18 July 2020, kaas oo tilmaamaya in Nootaayooyinka Sharciga ah qaarkood ay u qoraan dadwaynaha kala wareejin aan sharci ahayn oo ay ku samaynayaan hantidda dowladda, waxaa laga bilaabo Maanta (Maalintii Khamiistii) oo ay taariikhdu tahay 23/7/2020, Nootaayada u kala wareejisa dadweynaha Hanti Dowladeed, waxaa laga qaadi doona tallaabo Sharciga waafaqsan, iyada oo loo raaci doono Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr 18/2001″

Sidaasi darteed waxaa lagu adkaynayaa Nootaayooyinka in ay ka digtoonaadaan in ay markhaati ka noqdaan falal aanu oggolayn”

Ayuu ku yidhi qoraalkaasi agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Iscaaciil.

ALLAA MAHAD LEH

 

Category