DP World Oo Sheegtey In Dekedda Berbera Ay ka Dhigayaan Marinka Ugu Muhiimsan Ee Geeska Afrika

Hargeysa(RH)Shirkadda DP World  ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto mid casri ah oo heer caalamiya.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu  muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.

Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla maraana ay hadheen laba qaybood oo kale.

Sarkaalka u hadlay DP World wuxuu sheegay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas.

“Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay  Boqolkiiba Konton  shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo  xoolo ah,waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii  lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay  Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey  khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta  iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

 

Category