Golaha Guurtida JSL Oo Ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobalada Iyo Degmooyinka Dalka

Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta Ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

 

Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa waxa ka soo xaadiray 59 Xildhibaan waxaana Mudanayasha Golaha Guurtida cod Gacantaaga ku meel mariyay Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

 

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Degmooyinka Baligubadle,Caynaba,iyo Taleex u Dalacsiiyey Darajada(B)

Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka oo Mudanayaasha Golaha Guurtida wax ka badal iyo Kaabis ku Sameeyay ayaa waxaa ogolaaday in la Ansixiyo 58 Xildhibaan Guddoomiyuhu aanu codayn sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerkaasi.

 

 

Category