Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyadd Sannadeedka 2020-ka

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadd sannadeedka qaranka ee 2020-ka

Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax,ayay mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ku ansixiyeen miisaaniyad sannadeedka 2020-ka,oo ay la socotay miiyaaniyadda hay’addaha madaxa bannaan iyo lifaaqa gudida Hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax  ayaa Mudanayaasha  golaha wakiiladda Somaliland ka Codsaday in Cod loo qaado miisaaniyad sannadeedka qaranka 2020-ka.

Waxaa Ogolaaday 42 Xildhibaan ,waxaa diiday 7 xildhibaan Cid ka Aamusteyna may jirin Gudoomiyuhuna muu codayn sidaasina waxaa ku dhaqan galay Miisaaniyadd sannadeedka qaranka ee 2020-ka

 

Category