Guddida Qandaraasyada Oo Shaaciyey Shirkadaha Oo Ku Guulaystay laba Mashaaruuc Oo laga Hirgelin-doono Somaliland

Hargeysa(RH)Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa shaaciyay Shirkado ku guulaystay  laba mashruuc oo loo fuin doono Hayada Dhawrista Tayada Somaliland.

ugu horeyn horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hayada Qanadaraayada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay Shirkadaha ku guulaystay mashaaariicda isagoo ku booriyay in ay kasoo baxaan waajibka ay qaadeen .

waxaanu inaa ku daray in dhismaha Shaybaadhka Hayada  Dhawrista Tayada ay ku guulastay Shirkada  AL Khadar Conistraction  halka dhismaha xarunta guud ee Hayada Dhawirsta Tayadana ay ku guulastay shirkada dhismaha ee Red Sea Constarction.

wax sidoo kale halkaasi ka hadalay qaar ka mida shirakdihii aan kusoo bixin tartankaasi oo sheegay in  ay ku niyad san yihiin hanaanka uu dhacay tartankaasi iyagoo mahad naq usoo jeediyay masuuliyiinta gudida qanadaraasyada qaranka

masuuliyiin ku hadlaayay shirkadaha ku guulastay mashaariicada loo hir galinayo hayada dhawrista tayada ayaa sheegay in ay soo dhawanayaan mashaariicada ay ku guulaysteen islamarkaana ay sida loogu talo galay uga soo bixi doonaan insha Allah.

Gudoomiyaha hayada dhawirsta tayada Muuse Xasan Xaaji Yusuf oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay soo dhawanayaan shirkadaha ku guulastay labad mashruuc ee ay baahida u qabeen islamarkaa ay dhankooda la shaqayn doonaan

Agaasimaha guud ee Gudida Qanadaraayada Qaranka Jabarte Saadle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii uusoo maray tarankaasi isagoo u mahad celiayay dhamaan shirkadii ka soo qayb galay.

 

Category