Kadib dhaawacyadii dagaaladii cuslaa ee dhammaadkii wiigii hore: Booliisku waxay xoojinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin dadka deggan Skovparken

 

Laba kooxood ayaa midba midka kale ku weeraray Skovparken habeenimadii Axadii. Bilayska koonfurta bari ee Yuulland ayaa kordhiyay xidhiidhka ay la leeyihiin dadka deggan xaafadaas shilkaas ka dib.

 

RH Kolding: Dadka deggan Skovparken waxay u badan tahay inay arki doonaan  booliis xaafada gaafwareegaya oo kabadan kii hore ee ay arki jireen , ka dib markii ay habeenimadii Axadii xaafada gudaheeda uu dagaal badani ka dhacay . Kuxigeenka kormeeraha booliska Finn Ellesgaard Nielsen, oo ah madaxa roondada ama booliiska wareega ee koonfurta bari  Jutland, ayaa sheegay in la kordhin doono xidhiidhka lala leeyahay dadka xaafada deggan wakhtiyada soosocda. -

Waxaan haysannaa qaar shaqaale ah oo maallin walba ka shaqeeya aaggan oo xidhiidh  dhow aanu leenahay . Waa aalad aan sii xoojin doonno oo aan si wanaagsan u adeegsan doonno oo aan ku hubin doonno haddii dadaalka amnisugida ee aanu wadnaa tahay waxa dhab ahaan  iyaga ku haya aagga in ay deganaadaan, ayuu yidhi taliye ku-xigeenka bilayska.

Roondada ayaa si ballaadhan u xoreyn doonta jidka Skovparken, taas oo la macno ah in kormeerku si aad ah u kordhidoono .

- Waxaan had iyo jeer isku daynaa inaan mudnaanta siino roondooyinkayaga.

Waxaanu isla markiiba u qaadnaa meesha ay wax ka dhacaan.

Horeba waanu usameyn jirney maalmaha caadiga ah laakiin ma ahayn wax aannu dadaal dheeraad ah gellinay, ayuu yidhi Finn Ellesgaard Nielsen.

Category