Magaalada Kismaayo oo maanta lagu caleema saaray Axmed Madoobe

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacday caleema saarka madaxweynaha Jubbland, Axmed Madoobe waxaa ka qaybgalay madax fara badan oo isugu jiray madaxweynayaal horre, xidhibanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, madaxweynaha Puntland iyo wafdi ka dowladda Kenya.

Wafdiga dowladda Kenya ee tegay Kismaayo waxaa hoggaaminayay Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Ducaale oo ka hadlay xafladda caleema saarka Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Kenya ay gacan u fidisay dadka Soomaaliyeed markii dagaallada sokeeye ee ka dhacayn Soomaaliya, isagoo hadalkiisa intaas ku daray in marwalba ay muhiim tahay midnimada Soomaaliya.

Masuuliyiinta kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaliya Senator Abshir Maxmed Maxamuud (Abshir Bukhaari), Madaxweynaha Puntland, Wasiirkii horre ee Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle iyo  Senator Muuse Suudi.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category