Mareykanka oo hanjabaad adag u diray madaxda Soomaaliya

Nairobi (RH)-Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay u hoggaansamaan habraacyada arrimaha doorashada iyo tallaabooyinka kale ee lagu saxayo hanaanka doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay u hoggaansamaan wakhtiga doorashaada ee lagu heshiiyay iyo hanaanka lagu saxayo khaladaadka harreeyay habraaca doorashada”

Mareykanka wuxuu ku hanjabay in uu xayiraado dhanka dal ku galka ah kusoo rogi doono siyaasiyiinta Soomaalida si looga jawaabo dib u dhaca harreeyay doorashada.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha Mareykanka.

Xiggasho: BBC

Category