Markale ayay dadka finishku ka qaadeen Denishka kaallinta koowaad ee liiska farxada dunida

Dalka Finland ayaa sanadkii lixaad oo xiriir ah loo aqoonsaday dalka ugu farxada badan aduunka, halka Denmark ay sii heysato kaalinta labaad.

Markale sanadkan, Finland waxa ay kaalinta koowaad kaga jirtaa liiska waddamada ugu farxadda badan adduunka, iyadoo ka horraysa Denmark. Sidaas waxa muujiyay warbixinta Qaramada Midoobay ee Warbixinta Farxadda Adduunka, oo la daabacay Isniintii, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dpa.

Waa sannadkii lixaad oo isku xigta oo dadka Finnishka ah loo aqoonsado dadka ugu farxadda badan adduunka. Danmark waxay sii haysataa kaalinta labaad sannadkii hore. Way ka wanaagsan tahay 2021 oo ay gashay kaallinta saddexaad.

Sannado badan ayay Denmark  ahayd dalka haysta  kaallinta koowaad, laakiin markii ugu dambaysay ee tani dhacdo waxay ahayd 2016 kii.

Qiimaynta farxadda waxaa sameeya Qaramada Midoobay, taas oo lagu saleeyo  waxyaabo kaladuwan, tusaale ahaan waxaakamid ah waxyaabihii la eegay  sida masiibada corona u saamaysay wanaagga dadka.

Afgaanistaan ​​iyo Lubnaan waa kuwa ugu farxadda yar Warbixinta Farxadda Adduunka . warbixintan waxaa sannad walba diyaariya cilmi-baarayaal ku sugan Mareykanka oo ku adeegsada xog la uruuriyey.

Ka dib Finland iyo Denmark waxaa soo raaca dalalka kala ah  Iceland, Israel, Netherlands, Sweden, Norway, Switzerland, Luxembourg iyo New Zealand. Awstariya iyo Australia ayaa ku xiga kaalmaha 11aad iyo 12aad,halka Jarmalku uu ku qasban yahay in uu dego kaalinta 16-aad -taasi oo laba derajo ka hoosaysa kaallintii uu haystay sannad kahor,sida uu qoray dpa.

Afghanistan iyo Lubnaan ayaa weli ah labada waddan ee ugu farxadda yar adduunka sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Category