Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo xabsiga la dhigey iyo dibad baxa uu xisbigu ku baaqey bari oo laga digey.

RH:  Kadib markii Xukuumada Somaliland ay caawa ciidamo badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ciidamadaas goor dhaw xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan Xisbigaas.

Xog-hayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabd iyo Afhayeenka Barkhad Jamac Batun ayey ciidamada Somaliland caawa xabsiga dhigeen, kadib ciidamo tiro badan oo caawa hareerayay xarunta xisbiga Waddani, waxayna talaabooyinkaan xukuumaddu uga hortagaysaa banaan bax ka dhan ah oo berri ka dhici lahaa xarunta Xisbiga.

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyey xarigga loo geystay labadaas masuul waxuuna ku yiri qoraalkiisa, “Xoghayhii guud ee Xisbiga WADANI Khadar Abdi oo hadda Xabsiga loo taxaabay, Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jamac Batun oo saacad ka hor isna la qafaashay. Aadbaanu u canbaaraynaynaa, waxaanay muujinaysaa kelitalisnimo, jujuub laguma baajin karo dareenka shacabka.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay Banaanbaxa ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi oo uu ku baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.

Taliyaha Booliska ayaa si weyn uga horyimid banaanbaxaasi, isagoona sheegay in aanay aqbali doonin inuu berri ka dhaco banaanbax xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamo boolisku ay ka hor tagi doonaan banaanbaxaasi, isla markaana ay ku adkaan doonan sharciga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu yiri “Anigoo daba socda hadalkii uu maanta uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu ku baaqayey in ummadda reer Somaliland ay isugu yimaadaan meel goob ah, waxaan sheegay in aanu sharciga ku adkaan doono hadii alle yidhaahdo.

“Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaharaad aan sharci lahayni inuu dhaco ama inta ay umaddi soo ururto oo waxay doonto samayso ma yeelayno, dadku way wanaagsan yihiin, laakiin in xunbaa dhex socoto, ujeedooyinkii la isugu yeedhay ee guracnaana way dhex socdaan”.

Taliyaha ayaa soo hadal qaadin ciidamo faro badan oo caawa lagu hareereyay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, inkasta oo uu carabka ku adkeeyay in ciidamadu ay ka hortagi doonaan mudaharaadkaasi, taasi oo u muuqata mida ka dambeysa talaabada ciidamada badan loogu soo rogay Xarunta xisbiga Waddani.

Category