Maxaa laga ogyahay ciidamada Ahlu Sunna ee haatan ka dagaallamayo Guriceel?

Guriceel (RH)-Ahlu-sunna ayaa markii ugu horeysay soo ifbaxday sanaddii 2010 iyaga oo ka bilaabmay gobolka Galgaduud.

Waxaa laga asaasay deegaanada Galmudug islamarkana waxa ay taageero badan ka heleen dadkii deegaanka.

Xilliga waxaa degaanadaasi ku xooganaa Al-habab.

Ilsa sanadaasi 2011 ayaa waxa ay billaabeen in ay dagaal la galaan Al-Shabaab. Waxaa lagu bilaabay dhalinyaradii xirta ahayd ee deegaanadaasi kutubta ka akhrisanayay.

Asasaakooda ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay al-Shabab dileen qaar ka mid ah culumadii halkaasi joogay islamarkana ay qaar kale isaga carareen.

24-kii April, 2011, Ahlusunna Waljamaaca ayaa Al-Shabaab kala wareegtay Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.

Ciidamada Ahlu-Sunah ayaa waxa ay inta badan ku tiirsanayeen dowladda Itoobiya oo gacan ka siisay in Shabaab ay dib uga qabsadaan meel badan oo gobolada dhexe ka mid ah.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Ahlu Sunna waxay ahaayeen cudud muuqata oo gorgortan weyn ku leh arrimaha gobolladaasi.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah oo uu horay u siiyay BBC-da ku sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga Sheekh Shaakir, wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Cabdifataax Ibraahim Cagayare:

Xiggasho:

Category