Muqdisho oo laga xusay 14-ka Octobar wixii dhacay labo sanno ka hor

Muqdisho (RH)-Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxmuud (Cumar Filish) ayaa maanta kumaan dadweynaha kula hadlay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho, halkaasoo labo sanno ka hor uu ku qarxay gaari weyn oo qarax laga soo buuxiyay.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa goobta ka sheegay inay dowladda Federaalka Soomaaliya  ay xoojisay tan iyo musiibadii isgoyska soobbe ka dhgacay hawlgallada qorsheysan ee looga hor-tegayo falalka ammaan dari oo ay soo qorsheeyaan dagaalamayaasha Alshabaab.

Sidoo kale, duqa caasimadda ayaa waxaa uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, si loogu adkaado dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu xusay in maanta oo kale xusuus murugo leh ay u tahay umada Soomaaliyeed, islamarkaana aysan qalbigooda ku go’idoonin musiibadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu maanta oo kale halku dhig uu uga dhigay “Ma ooyeyno, balse waan aarsan doonaa, taasi oo uu ula jeedo in ay Al-Shabaab dagaal adag la gali doonaan.

Isgoyska Soobbe 14-ka October ayaa laga taagay taalo lagu xasuusanayo dadkii lagu xasuuqay muddo haatan laga joogo labo sano, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 500 oo qof iyadoo tiro kale oo aan intaas ka yareyna ku dhaawacmeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category