Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha aqalka sare ee Gobollada Waqooyi

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah lagu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ku matali doona gobollada waqooyi.

Shan kursi ah oo ka dhimanaa xubnahaas oo ahaa 11 ayaa maanta la doortay laguna doortay hangarka ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisyooni.

Doorashada maanta ayaa ka duwaneed tii shaley, waayo tiis shaley waqti badan ayaa la isla qaatay laakin maanta goor horre ayaa lagu kala baxay.

Kursiga 7-aad waxaa ku soo baxay Saciid Cabdi Xasan, kadib markii uu tanaasulay ninkii la tartamayay ee ahaa Jaamac Cabdillaahi Maxamed.

Kursiga 8-aad seddax gabdhood ayaa ku tartamayay, tartanka xoogiisa waxa uu dhexmaray Naciimo Xasan Xaaji oo 30 cod iyada ku soo baxday iyo Muno Xasan Cali oo iyana heshay 13 cod oo horrey u ahayd gabadhii kursigan ku fadhiday.

Kursiga 9-aad Cabdirisaaq Axmed Cali ayaa ku guuleystay kadib marki uu tanaasulay musharixii kale Axmed Maxamed  ee la tartamayay iyadoo musharax kale oo kursigaas ku tartamayay uusan goobta imaan.

Kursiga 10-aad waxaa cod gacan taag isaga ku soo baxay Abwaan Aaxmed Ibraahim Qorane.

Kursiga 11-aad waxaa ku soo baxday Deeqa Xasan Xuseen oo ay u tanaasushay gabadhii la tartamaysay ee ahayd Hodan Abokar.

Guud ahaan waxaa sidaas ku soo dhammeestirmay 11-ka kursi ee gobollada waqooyi ay ku lahaayeen xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Lixda shaley soo baxday

Lixda shaley soo baxday

1-Cabdixaashi Cabdullaahi oo horrey u ahaa guddoomiyaha aqalka sare.

2-Saalax Axmed Jaamac oo iminka ah wasiirka dastuurka XFS

3-Proff Cabdi Ismaacil Samatar

4-Cismaan Abokar Dubbe oo ah iminka wasiirka XFS

5-Leyla Axmed Ismaacil

6-Bilaal Idiris Cabdillaahi.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category