Mustafa waxa uu soo wadaa buug uu ka qorey nolashiisii Skovparken

Waa kuma  Mustafa:-Mustafa waa 34 jir waxa uu ka soo jeedaa dhalasho ahaan  dalka Libnan , shaqadiisa caadiga ahi waa rinjiile  (male), waana gudoomiyaha gudida waalidiinta ee Munkvænget skole ,waxa la keenay Denmark isaga oo dhabta lagu sido, qoyskiisa iyo eheladiisu waa dad islaama oo had iyo jeer u dardaarmi jiray cabsida Alle, hada se waxa uu sheegay Musatafa in uu gabi ahaanba ka baxey diinta Islaamka, sida  lagu qorey wargeysaka JV.

 

Sannadkii 2010 kii ayuu ka guuray xaafada Skovparken oo ay deganyihiin 90% Soomalida ku nool magaalada Kolding intaa wixii ka dambeeyayna wax xidhiidh ah lama yeelan xaafada, shaqdiisa rasmiga ah waa in uu guryaha rijiyeeyo mararka qaarna waxaa uu ka qeybqaataa doodaha siyaasada, waxaanu sidoo kale muxaadarooyin u jeediyaa meelaha laga soo dalbado.

 

Waxa uu  guursadey gabadh jinsiyad ahaan caraba oo diinta islaamka ku dhaqanta, waxaanu ka dhalley hal will oo maanta 9 jir ah kahor  intii  aaney isfurin, waxa uu wargeyska u sheegay in ay aheyd mid diinta ku ad adag  ”aniga ayuunbay iga dhamaan weyday oo ay Islaanka igula meeraysatey wax kastoo xuna marjac iiga dhigaysay  ayuu ku yidhi wargeysak JV oo ka soo baxa Kolding’’

 

Buugiisan cusub oo uu u bixiyey FRI ama XOR  oo sida uu sheegay aanu go’aaanka qoridiisu aheyn mid fudud ,ayuu sheegay in ay  dad badan oo uu yaqaanaa ay dagaal kala horyimaadeen markii i  uu bartiisa Facebook ku qorey in uu buugaas soo wado. ”Waxey igu eedeeyeen waxyaabo badan oo kala duwan ayuu yidhi”.

 

vfg

Buugan oo soo bixi doona 16. Maarso.2020  ayaa qeybta ugu horeysa la daabacey 500 oo nuqul waxaanu  sheegay in loogu talo galley dhallinyarada ku jirta maanta marxalad uu ka deyriyey oo sida uu sheegay sheegay kasoo martay xaafada Skovparken.

 

Waxaana lafilayaa in uu kaga hadlo waxyaabo ay ka midka yihiin, kaantaroolka ay bushadu isku sameyso tusaale ahaan in qof aanad aqoon qaladka aad wadada kusameynayso kaa celiyo, waxyaabaha ay qoysaska muslimiinta ahi caruurtooda ka fishaan, dambiyada ay dhallinyaradu ku dhacdo oo uu isaga laftiigu galay intii uu xaafada deganaa sida uu xaqiijiyey, tarbiyada carbeed ee qoyska gudihiisa, ilaalinta sharafta qoyska IWM.

 

Isha warka  iyo sawirada . jv

Tarjumaada : RH 

Category