Qiimaha guurka xerada IFO oo hoos loo dhigay

IFO (RH)-Culimada, odayaasha, iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Xerada qaxooyiga Ifo, ee dalka Kenya, ayaa xeer cusub ka soo saaray qiimaha guurka, waxaana ay go'aan ku gaareen in hoos loo dhigo qiimaha guurka sida meherka, gabaatig iyo gawaarida gabadha iyo wiilka galbisa habeen arooska.

Go'aanada soo baxay waxaa ka mid ah, in la joojiyay gabar Geel laga bixiyo, waxaa lagu beddelay in hal neef oo ari ah ama ugu badnaan seddax neef oo Ari la bixiyo.

Gabaatiga waxaa la go'aamiyay in la bixiyo 10,000 oo Kenya Shilling ah, waa lacag ka yer $100.

Meharka waxaa laga dhigay $400.

Waxaa meesha laga saaray wax la dhaho shaash, gabi ahaan waa la laalay.

Baabuurta galbiska waxaa la go'aamiyay ugu yaraana labo ugu badnaan saddex oo lama dhaafin karo.

Arrintan ayaa loo sababeeyay iyadoo ay soo baxeen sannadahan dambe arrimo aan horrey loo aqoon oo khatar ku ah sharafka iyo dhaqanka Soomaaalida sida meher xad, rag badan oo ku raagay doob iyo bil gudaheed sagaal ilmo oo dhashay iyadoo aan la ogeyn aabbayaashooda.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah dumarka xerada IFO, ayaa dhaliilay arrimahan, waxaana ay lee yihiin ragga kaligood go'aan kama gaari karaan qiimaha guurka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category