Sheekada Bisaddii Nasiibka Badnayd

CAIRO (RH)-Bisad (Mukulaal) yar oo da’deedu ay qiyaastii bil iyo bar tahay, baa ka qashimaysan jirtay madaarka magaalada Qaahira, dalka Masar. Waxa ay dhex wareegaalaysan jirtay madaarka gudihiisa, waxana ay reereebka ka cuni jirtay maqaaxida iyo qaybta cargo-ga madaarka.

Si kedis ah bay bisaddii maalin ku dhex gashay diyaarad ay leedahay Emirates Airlines oo ka kicitimaysay Qaahira una socotay Birmingham (UK). Diyaaraddii waxa ay dhaqaaqday bisaddii oo ku dhex jirta.

Duullimaad qaatay masaafo dhan 3,800 km keddib, diyaaraddii waxa ay gaartay dalka Ingiriiska. Shaqaalihii gegida diyaaradaha Birmingham baa arkay bisadda shandadihii ku dhex jirta, waxana ay gaarsiiyeen nabadsugiddii madaarka. Nabadsugiddii waxa ay la wareegtay bisaddii, waxana ay ku wareejiyeen maamulka xannaanada xoolaha Birmingham, kuwii oo iyaguna karaantiil 14 cisho ah geliyay, si ay u hubiyaan in aanay cudurro qabin. Muddadaas si wanaagsan baa caafimaadkeeda loo baarayay, loona nafaqaynayay.

Shirkadda diyaaradaha Emirates Airlines waxa ay ku yaboohday inay dusha u ridato kharashka baaritaanka caafimaadka bisadda, iyada oo u aqoonsan inay ka mid ahayd rakaabkii diyaaradda saarnaa, hase yeeshee maamulka Birmingham waxa uu ku adkaystay in loola macaamilo sida bisadaha Birmingham, waxana ay u bixiyeen magaca Cairo.

Keddib kolkii muddadii karaantiilku ay u dhammaatay, waxa warbaahinta lagu baahiyay in qoys Ingiriis ah oo Cairo la wareega la doonayo. Usbuuc gudihiis qoysas badan baa durba soo codsaday.

Bisaddii gidaarro jiifta ahayde, maqaaxida madaarka Qaahira ka qashimaysan jjrtay, waxa Alle qaddaray inay; u duushay Yurub, in la daaweeyay daawayn tan ugu fiican, loo bixiyay magac, qaadatay dhalasho, gudaha dalka Ingiriiskana kula noolaatay qoys Ingiriis ah.

 

W/Q:Sabriye Musse

Category