Sidee ayay madaxda Soomaalida uga falceliyeen go'aankii Maxkamadda ICJ?

Madaxda siyaasadda Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga falceliyay go'aankii maxkamadda caddaaladda adduunka ee dacwaddii muranka badda ee ay Soomaaliya u gudbisay. Madaxdaasi waxaa ka mid ah xubnaha Midoowga Musharixiinta oo qaarkood uu si toos ah u quseeyay kiiska maadaamaa ay hawsha wax ka galeen xilliyo kala duwan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Ka hadlista go'aanka maxkamadda ka sokoow, waxaa diirada la saaray heshiiskii is afgaradka ee dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, waxaana heshiiskaas gebi ahaanba iska beri yeelay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaas ahaa madaxweynihii dalka.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in wasiirkii iskaashiga caalamiga ah ee xiligaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarkiisa subixii uu u safrayay Nairobi "Markii aan Ra'islwasaare Cumar Cabdirashiid weeydiiyayna sabab la iigu sheegi waayay, wuxuu igu yiri waxaan u malaynayay in aad ogeyd" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kalana ah guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay in guusha timid uu Allaah uga mahadcelinaayo.

Waxa uu sheegay in qaylada badda ay badnayd, laakiin talooyinka nala siiyay waxaa ka mid aheyd buu yiri inaanan badda ka hadlin. Waxa uu ku dheeraaday siyaabihii kala duwanaa ee arrinta badda intii uu madaxda ka ahaa dowladdii Soomaaliya, wuxuuse ku adkaystay in uusan wax badan ka ogayn heshiiskii is afgaradka ahaa ee Kenya lala galay, laakiin wax walba ay hadda wanaag ku soo dhammaadeen.

Waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in loo helo dowlad xooggan oo dalka maamusha "Bad, dhul iyo cir ma ilaalin karno haddaanan dowladnimada xoojin, waxaa nalooga baahan yahay inaan dowladnimada xoojinno, dowladnimada waxay ku dhisan tahay heshiis umadeed, heshiis umadeedna waxa uu baahan yahay in la dhowro," ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey baddeenna.

Farmaajo khudbad uu xalay jeediyay ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah.

Dowladda Kenya ayuu ku eedeeyay inay qaadday tallaabooyin uu sheegay inay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda badda.

"Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaannu iska diidnay in aan qaadanno gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go'aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed." ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa eedeymo kala duwan u jeediyay dowladda Kenya iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo uu tilmaamay in ay la safnaayeen. |Waxa uu xitaa sheegay in dowladda Kenya ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxda federaalka, balse ma uusan qeexan khilaafka kan uu ahaa iyo goorta uu ahaa.

Xassan Sheekh Maxamuud

Dacwadda badda waxaa maxkamadda adduunka geeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka falceliyay xukunka maxkamadda ee intiisa badan u dhacay dhanka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlayay meel fagaara ah ayaa u mahadceliyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay si wadajir ah ugu istaageen difaaca badda [Soomaalilya].

Waxa uu si gaar ah u bogaadiyay kaalintii uu sheegay inay ciyaareen Dr. Muna Sharmaan iyo Alle ha u naxariistee Inj. Maxamed Cumar Saalixi kiiskii muranka badda, middaas oo uu sheegay in ay xusuusnaan doonnaan.

"Guusha caawa Soomaaliya u soo hooyatay waa ka wayn tahay wax loo nisbayn karo qof… Aniga waqtigii aan joogay intii igala shaqaysay [arrintaas] waa ay mahadsanyihiin, intii iga horraysay ee howshaas soo gashayna waa ay mahadsan yihiin… Intii naga dambaysay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raggiisiina waa ay mahadsan yihiin, iyaguna waa ku adkaysteen in meesha lagu hayo ooh ore loo sii wado… Madaxweyne Farmaajo waxyaabo badan oo aan ku kala ra'yi duwannahay ayaa jiro laakiin qaddiyadan waan ku amaanaa waanan ugu mahadcelinayaa," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo isna meesha ka hadlay ayaa ku tilmaamay go'aanka Maxkamadda ICJ inuu yahay mid cadaalad ah isagoo sheegay in "markii horaba aan annagu raadinaynay oo gaar ah ma jirin ee baddeenna ayey aheyd inaan xaq u leennahay… Maxkamadduna ay caddaysay waxa aannu xaqa u leennahay… Waa gul la wada leeyahay oo umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysa,"

Waxa uu ka dhawaajiyay in marxalad adag uu dalka marayo xaalad adag hasayeeshee Soomaaliya ay Soomaalidu leedahay.

Waxa uu si gaar ah raagelin uga codsaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaas oo uu sheegay inuu qabay inuu iibsaday badda Soomaaliya illaa ay markii dambe ka cadaatay oo natiijadii lagu dhawaaqay "Ma aha kaligay ee xubno badan baannu ahayn ee I cafi", ayuu yiri gudoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah hogaamiyayaasha midowga musharraxiinta mucaaradka, ayaa kulankii xalay magaalada Muqdisho ka dhacay ee lagu soo dhawaynayay go'aanka maxkamadda waxa uu ugu hambalyeeyay Soomaalida guushaas uu ku tilmaamay inay aheyd mid taariikhi ah.

Waxa uu sheegay in haddii dhinacii kale isku deyeen in ay garoonka bannadaan oo ay garsoorka diidaan, ma aha in ay farxada guusha keento in aan garoonka burburinno.

"Waa habeen loo dabaaldagaayo guul taariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis meelkasta oo uu joogo… Guushaas waxa ay tahay dhammaanteen inaan si midnima ah ugu dabaaldegno, maadaama xaqiijinta guushaas xukuumad, shacab iyo dowlad intaba ay ka qeybgaleen sidii loo gaari lahaa," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale Cabdiraxmaan ayaa ka hadlayay qaabkii uu ku yimid heshiiskii is afgaradka ee uu saxiixay 2009-kii, isaga oo xusay in wakiilkii Qaramada Midoobay Walad Cabdalla iyo Dowladda Norway in ay dowladda u yimaadeen, una sheegeen in haddii uu dhacayo waqtigii la xarayn lahaa dokumendiyada lahaanshiyaha dhul badeedka ee Qaramada Midoobay, taasna ay shardi u ahayd in ay is afgarad la gaaraan dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa uu ka mahadceliyay kaalintii ay kiiska badda ka qaateen dowladihii xukunka u kala dambeeyay.

Xiggasho: BBC

Category