Somaliland Oo Laga Bilaabay Olole Lagu Beerayo In Ka Badan 70,000 Oo Geed Muddo 15 Maalmood Ah

Hargeysa(RH)Wasaaraadda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo u diyaar garabaysa maalinta dhirbeerista qaranka ayaa bilawday olole dhirbeeris ah oo socon doona muddo 15 maalmood ah, kaas oo ay guud ahaan gobollada dalka ay ku gaadhssinayso dhir kala duwan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga C/naasir Axmed Xirsi iyo agaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaraddaasi Axmed Ibraahin Warsame, oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaraddaasi ayaa sheegay inay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen maalinta dhirbeerista qaranka ee 15 Abriil, iyagoo intaas ku daray inay ugu talo galeen ilaa todobaatan kun oo geed (70,000 oo geed) in laga beero guud ahaan gobollada dalka.

Waxa kale, oo ay Masuuliyiinta deegaanku sheegeen inay gobollada Gabiley iyo Laascaanood ay u kala direen gaadiidkii siday dhirta ay ugu talo galeen in laga beero gobolladaasi, iyagoo xusay inay gobollada kalena u dirayaan dhirtii ay u qorsheeyeen in sannadkan laga beero, waxa kale oo ay guddoomiyeyaasha gobollada, maayirada degmooyinka iyo bulshada qayba-heeda kala duwan ugu baaqeen inay ka qayb qaataan maalinta dhir beerista qaranka ee 15 bisha fooda inagu soo haysa ee Abriil.

 

Category