Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna ee ka socda Guriceel

Warrarka laga helayo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in iska hor’imaayo hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljamaaca ay ka socdaan xaafado ka tirsan magaalada.

Iska hor’imaadka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dawladda ee kulaalayay magaalada ay damceen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay inay maqlayaan hubka labada dhinac ay isku ridayaan oo mararka qaar la maqlayo hub culus. Illaa hadda ma jiro cid soo werisay xogta ku saabsan khasaaraha uu dhaliyay dagaalka ka socda Guriceel iyo sida ciidamadu u kala joogaan aaggaga dirirtu ka socoto.

Dagaalka Guriceel

Saldhiga booliska Guriceel ayaa cidlo ah, iyadoo dad shacaba ay ku qamaameen kadib markii xalay ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii Ahlu-Sunna ee halkaas maamulyay labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Guriceel waxa horey uga qaxay kumannaan qof oo ka baqayay inuu magaalada ku qabsado dagaalka hadda ka bilowday, inkastoo xaafadaha qaar ay wali dad yar ay joogaan.

Lama oga waqtiga uu dhamaan doono dagaalka hadda ka socda Guriceel, mana jiraan wax wadahadalla ah oo u dhaxeeya labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso.

Xiggasho: BBC

Category