Xildhibaannada baarlamaanka oo codka kalsoonida u qaadaya berri raysal wasaaraha cusub

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri oo Arbaca ah lagu wadaa inuu hortego xildhibaannada golaha shacabka, si ay codka kalsoonida u siiyaan ra'iisal wasaaraha uu dhawaan magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Warkan ayaa waxaa goordhow laga soo xigtay guddoonka baarlamaanka.

Raysal wasaaraha magacaaban, ayaa maalmahan kulamo la qaadanayay xildhibaannada baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu kalsooni uga kasbado.

Maxamed Xuseen Rooble

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heesta waqti yer, waxaana hor yaalla shaqooyin adag oo u baahan in la qabto ka hor sannadka 2021-ka oo xukuumadiisa ay ku egtahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble oo 57 jir in uu noqdo raysal wasaaraha lagu beddelay Xasan Cali Khayre oo baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeen bishii horre.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category