Xildhibaannada golaha shacabka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah si aan kala har lahayn codka kalsoonida u siiyay ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo 17-kii bishan uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u xushay inuu beddelo ra'iisal wasaarihii baarlamaanka ay rideen Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in 215 xildhibaan oo fadhiyay kulanka ay codka kalsoonida siiyeen raysal wasaaraha cusub isla markaana aaney jirin xildhibaan ka aamusay ama diiday.

Codeyntan wax badan kama baddelneen markii loo codeenayay ra'iisal wasaarihii shaqada ka tegay ee uu soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya 2017-dii.

Raysal wasaaraha cusub ayaa isla goobta waxaa ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, waxaana uu ballan qaaday inuu wax ka baddeli doono arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka, nabad galyada iyo arrimaha dastuurka qabyada ah.

Raysal wasaaraha cusub oo u harsan afar bilood iyo dhowr cisho, waxa la is weydiinayaa sida uu maareen karo waxa uu sheegay maanta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta keenay ra'iisal wasaaraha ayaa waxa uu dhamaman xildhibaannada joogay kulanka uga mahadceliyay sida ay kalsoonida u siiyeen ra'iisal wasaaraha cusub.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category