Yaa tiro & tayo badan gargaarka Soomaaliyeed & midka hay’adaha caalamiga

WFP waxay sheegtay in ay gaarsiisay Beledweyne 260 tan oo deeq ah kuwaas oo u badan buskut tamar badan leh.

UNHCR waxay sheegatay in ay Beledweyne geysay lix tan oo ah jirigaano biyo lagu shubto,buste iyo maro kaneeco.

Puntland Somalia waxay shacabka iska soo uruuriyeen raashiin tayo leh oo isugu jira bur, sonkor, saliid iyo bariis kuwaas oo gaaraya 637 tan.

Galmudug, Soomaaliya waxay beledweyne gaarsiiyeen sideed gaari oo ah kuwa xamuulka oo raashiin iyo agabka guryaha ah.

Kaaga darane, Qaramada midoobey waxay dalbaneysaa 61 malyuun oo doolar si wax looga qabto fatahaadaha Soomaaliya iyo koonfurta Sudan.

Haddaba yaa wax tar leh gargaarka ka imaanaya shacabka iyo midka heyadaha ajnabiga ah ?

W/Q: Maxamed Maxamuud Dhoorre

Category