Hargeysa(RH):-Dallada guud ee Ururada aan dowliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF ayaa War-Saxaafadeed ka soo-saartey Khilaafka Axsaabta Siyaasadda Somaliland ,isla markaasina waxay Dallada SONSAF walaac wayn ka muujisay hakadka ku yimid wada-hadaladii u dhexeeyey Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo xukuumada ee lagu xalinayay khilaafka ka dhashay Furista Ururada Siyaasada Somaliland iyo Doorashooyinka Soo socda .
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaarada Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka Somaliland, isaga oo tilmaamay in la joogo xiligii dalku hore u socon lahaa, isla markaana la ilaalin lahaa wada jirka iyo nabadgelyadda dalka, isla markaana si xasiloon loo wada hadli lahaa.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno uu hoggaaminayo oo katirsan goleyaasha kala duwan ee Qaranka, ayaa maanta safaaradda ay dalka isu-tagga Imaaraadka carabtu ku leeyihiin gudaha Somaliland kusoo saxeexay buugga tacsida ee madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Marxuum Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan geeriyooday.
Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.
Hargeysa(RH):-Waxaa maanta gobolada,degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee somaliland guud ahaan si balaadhan looga xusay munaasibada Xuska 31 guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ee 18 may
Hargeysa(RH):-Waxaa maanta si nabada oo xasilooni ku dheehantey looga ciiday gobolada,Degmooyinka iyo guud ahaan deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Fidriga oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Somaliland.
Hargeysa(RH):-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee qaybinta Dhaqaalihii Loogu Talo-galay ganacsatadii hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Hargeysa(RH):-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si qoto dheer uga xog-warramay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, waxana uu shaaca ka qaaday inay korodhay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.
Tog-Wajaale(RH):-Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey Kulan qaatay muddo Saddex cisho ah oo u socday Somaliland iyo dowlad deegaanka Somalida itoobiya.
Shirkan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo-saarey War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo Ujeeddadoodu ahayd sidii la isaga kaashan lahaa waxna looga qaban lahaa dhinacyadda kala ah:-
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar shaqo ku timid Somaliland.
Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.
Pagination
- Page 1
- Next page