Afhayeenka xukuumadda oo loo qadayo dalka dibaddiisa kadib qaraxii lala beegtay

Muqdisho (RH)-Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gaarigiisa ayaa daaweyn loogu qaadayaa dalka dibaddiisa gaar ahaan dalka Turkiga, sida uu xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ugu xaqiijiyay BBC.

Dhanka kale raysal wasaare Rooble ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la sheegay in haatan ay xaaladiisu soo hagaageyso.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dhacay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xiggasho: BBC

Category