Afhayeenkii xukuumada FS oo qarax ku dhaawacmey iyo RW Rooble oo ka hadley

Xaaladda Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Macalimuu, ayaa soo hagaagaysa kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray weerar is qarxin ah oo saaka lagu qaaday gaari uu watay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Gobolka Hiiraan, kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka ayaa lagu weeraray duleedka Beledweyne.

Ra'iisal wasaare Maxamed Xusseen Rooble, ayaa qoraal lagu baahiyay bogga xafiiskiisa waxa uu ku cambaareeyay qaraxii lala beegtay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ra'iisal wasaaraha ayaa afhayeenka u rajeeyay caafimaad deg deg ah, isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in xaaladda afhayeenka ay haatan wanaagsantahay.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay gaari uu watay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Category