Banddow habeen iyo maalin ah oo lagu soo rogay Maka iyo Madiina

Saraakiisha dalka Sucuudiga ayaa banddow habeen iyo maalin ah kusoo rogay magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

Waxaana kamid ah xayiradda lagu soo rogay magaalooyinkan in aan la geli karin Maka iyo Madiina, banndowga waa mid soconaya muddo 24 saacadood ah.

Waxaana magaalooyinka kale ee ku yaalla Sucuudiga looga dhawaaqay banndow xilliyada qaar.

Khamiistii, wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada waxay shaaca ka qaaday in sare ay u kaceen kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha dalkaas,oo ay gaareen 1885 halka guud ahaan dadka u dhintay cudurka gudaha Sucuudiga ay gaarayaan 16 qof.

isha warka BBC

Category