Boqor Buurmadow: Hadalka Godane ee iga soo yeeray "kaftan beeleed buu ahaa"

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa raali gelin ka bixiyay hadal uu horey u sheegay oo ku tilmaamay in uu ahaa mid kaftan ah oo la siyaasadeeyay.

Hadalkan horseeday carada ee Boqor Buurmadow uu dhawaan jeediyay ayaa ahaa "mararka qaarbey igu yiraahdaan Soomaalida kale war qolladiinaan Dir miyaadnan han lahayn oo Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaare doonan karin waxaan iraahdaa war laba dowladoodbaa meesha ka dhisane dowladda Shabaabka Dirbaa madax ka ah oo waliba laguma tartamo iyo sidoo kale in uu ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane"

“Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa”

Wuxuu sheegay in booqashadiisa ay ku saleysan tahay xoojinta nabadda iyo isu soo dhaweynta shacabka.

“Aniga horey ayaan u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa ama dhaqan haku daadiso ama siyaasad haku daadiso ama diin haku daadise in aan marnaba anigu taageersaneyn” ayuu yiri Buurmadow.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Al Shabaab.

“Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, mana jirto"

xigasho BBC

Category