Denmark, Odensa: 22 jir Soomaali ah oo lagu xukumey 8 sanno oo xabsi ah.

Ninkan soomaaliga ah ee 22 jirka ah ayaa Maxkamada magaalada Odensa ku heshay dambi ah iskuday dil Kadib kolkii uu xabad uga dusiyey  albaabka  isla markaasina uu dhaawacay ninkale oo Soomaaliya oo 29 jir ah arintaasi oo kadhacey guri kuyaala xaafada Vollsmose ee  magaalada Odensa

Sidan ayuu xukunku u dhacay arbacadii  Radwan Robale Barqad Ismail oo 22 jir ah waxa lagu hellay in uu isku dayey in uu qudha ka jaro ninkale oo 29 jir ah xaafada Vollsmose  08.Oktobar. 2018kii.

Isla markiiba Looyarkii difaacayey ayaa xukunkaas isla goobtii  ambiil kaga qaatey waxaana hada loo gudbiyey kiiska maxkamada sare oo iyadu go’aanka kama dambeysta ah ridi doonta, Looyarkii difaacayey ninkan ayaa sheegay in aaney xaq aheyn in xabsi sidaas u dheer lagu xukumo , waxaanu intaas raaciyey in uu filayey in ay maxkamadu sii dayn doonto ama xukun sidan ka khafiifsan ku ridi doonto.

Kiiska ayaa la xidhiidha dhacdo  bishii oktober ee sannadkii hore dhacdey taas oo nin Soomaaliya xabad looga dusiyey albaabka gurigii uu deganaa oo kuyaaley Fyrreparken , Vollsmose.

 Rasaastii waxayku dhacdey oo ay dhaawacdey ninkii 29 jirka ahaa  oo albaabka dhanka gudaha  aqalka kagasoo taagnaa.

Waxa kale oo ay maxkamdu ku heshay ninkan dambiyo kale sida middi uu haystay iyo baabuur uu wadey isagoo maandoorsan isla markaasina aan liisan haysan.  Laakiin waxaa intaba kadarnaa in uu  rabey in uu qofkale baastoolad qudha kagajaro. Xaakimkii iyo dhamaan kalkaaliyaashiisii way isku wada raaceen in uu qabo dhamaan dambiyadaas lagu soo eedeeyay .

Maxkamadu waxa ay sidoo kale sifiican u dhageysay dhibana oo si waadix ah uga waramay siday wax udhaceen.Maxkamdu waxay ku qanacdey in xidhiidh qarsoodiya oo saaxiibtimo uu ka dhaxeeyay ninka la dhaawacey iyo  ninka wax toogtey walaashiis laakiin inantu  waxay maxkamada horteeda  ka sheegtay in aaney aqoonba ulaheyn ninka lagu sheegayo  iyo in ay sababta uu walaalkeed u toogtey ay taastahey labadaba.

Ninkan 22- jirka ah ayaa xidhnaa 11 bilood waanu sii xidhnaandoonaa tan iyo inta ay maxkamada sare dacwadiisa qaadidoonto markale.

 

waxaa warkan qoray 

fyens.dk

Waxaa tarjumey 

Mohamed-amin Siyaad

 

Category
Comment