Dib u bilaabashada doorashada Golaha Shacabka iyo waxyaabaha maanta la filayo

Muqdisho (RH)-Waxa maanta lagu wadaa ina ay Soomaaliya ka bilaabanto doorashii xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya oo muddo hakad galay, hase yeeshee sida lagu wado haatan ay tahay in la soo gabogabeeyyo 25 bisha February ee foodda inagu soo haysa.

Dhanka kale waxa iyaguna maanta iska dhex dooranaya guddoomiye cusub gudida hirgelinta doorashooyinka ee heer federal ka dib markii Gudiga doorashooyinka heer Federaal ay xilka ka qaadeen Guddoomiye Maxamed Xassan Cirro, iyaga oo ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inay maanta ka bilaabanto diiwaangelinta shan kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshey hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri "Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada" .

Xiggasho: BBC

Category