Dowladda federaalka iyo Puntland oo isku fahmiwaayay arrinka Jubbaland

Boosaaso (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa sheegaya inuu fashil ku dhamamaaday kulan xalay magaaladaas ku dhexmaray wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ilo xog ogaal ayaa sheegay in waxyaabaha la isku khilaaf ay salka ku hayaan kaddib markii madaxweynaha Puntland loo sheegay inuu ka baaqdo ka qaybgalka xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Wasiirada tegay Boosaaso ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka qorsheenta iyo wasiirka kalluumeysiga, waxaana madaxweyne Deni ka codsadeen in uu ka baaqdo safarka Kismaayo balse Deni waa uu diiday inuu baaqdo, waxaa hadda la sugayaa in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay diyaarad ka raacaan magaalada Boosaaso iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo halkaasoo berri ay ka dhacayso xafladda caleema saarka Axmed Madoobe.

Wafdiga Saciid Deni ee u baxaya Kismaayo waxaa ka mid ah madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo xubno wasiiro ah oo ka tirsan Puntland.

Wasiirada dowladda federaalka ee tegay Boosaaso ayaa isla maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo fashilmay kulankii ay la yeesheen Deni.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsaneen doorashadii madaxweynaha Jubbaland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category