Golaha Guurtidda jsl Oo Ansixiyey Guddi ay U Saareen Muddo Kordhinta Aqalka Wakiillada

Hargeysa(RH)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddi u saaray warqadii muddo kordhinta ee golaha Wakiillada Somaliland.

fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan  ayaa gudoomiyuhu waxa uu u saaray guddi ko kooban 27 xildhibaan oo ay wehelin doonaan shir gudoonka golaha guurtidu  si loo soo naaqisho warqadaasi mudo kordhinta ah ee golaha wakiilada loo samayn doono.

gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida md siciid jaamac cali ayaa xildhibaanada horteeda ka xaadiriyay liiska 27 xubnood ee gudida ah

Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdi Naasir Aadan Beegsi, ayaa golaha faahfaahin ka siiyay warqadaasi mudo kordhinta ah ee ka timi madaxtooyada Somaliland waxaanu sheegay in madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix raacaya qodobka 42  ee dastuurka Somalialnd islamarkaana uu qodabaynayo qoraalka gudida Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in aanay doorshada golaha Wakiiladu ku qabsoomeyn xiligii loo cayimay sidaa darteed uu golaha guurtida ka codsanayo in muddo kordhin loo sameeyo 

intaasi ka did waxa golohu cod u qaaday guddida loo saaray in ay soo naaqshiaan warqada mudo kordhinta waxaana golaha fadhiyay 55 xildhibaan taasoo ay ogolaadeen 45 xildhibaan halka ay ka diideen 7 xildhibaan hal xildhibaana uu ka aamusay , gudoomiyuhuna aanu codeyn sidaas ayaana lagu meel mariyay guddidaasi.

 

Category