Hurdo la’aantu waxay caafimaadka u saameysaa si ka daran sida aad moodayso

Marka ay hurdadu xumaato, jirka ayaa bixiya qiimaha. Halkan ka akhriso sababta ay hurdadu muhiim ugu tahay caafimaadkaaga – iyo sida aad u heli karto hurdo tayo leh.

Dadka badankiisu waxay ogyihiin in hurdadu muhiim tahay. Waxaan maqallaa talooyin ku saabsan hurdada, barnaamijyada (apps) hurdada lagu cabbiro, iyo caadooyinka wanaagsan, dad badanna waxay isku dayaan inay mudnaanta siiyaan hurdada habeenkii. Iyadoo ay taasi jirto, haddana dad aad u badan ayaa la dhibtoonaya hurdo yari ama hurdo aan degganayn. Natiijada ka dhalata hurdada xun ayaa aad uga daran sidii ay dadka badankiisu qiyaasayeen.

Warka wanaagsan ayaa ah inaysan waligeed ka daahaynin in hurdada si dhab ah loo qaato. Jirku wuxuu leeyahay awood cajiib ah oo uu isku soo kabsado marka la siiyo xaaladaha saxda ah.

Sida uu sheegay Professor iyo takhtar sare Poul Jennum oo ka tirsan Xarunta Daawaynta Hurdada ee Danmark (Dansk Center for Søvnmedicin) ee isbitaalka Rigshospitalet, waxaa jira xidhiidh adag oo la hubo oo ka dhexeeya hurdada xun iyo cuduro badan oo isugu jira kuwa dhimirka iyo kuwa jirka.

  • "Hurdada xun waxay saameysaa difaaca jirka, dheef-shiidka (metabolism), maskaxda, wadnaha iyo badqabka maskaxdeena. Markasta oo aan muddo dheer ku noolaano hurdo yari iyo mid xun, khatartu way sii korodhaa. Hurdadu ma aha oo kaliya nasasho laga nasto maalintii. Waa shaqo bayooloji ah oo firfircoon, halkaas oo jirku isku dayactiro, isku nidaamiyo, isku nadiifiyo, isna ku dhiso. Marka hurdadu fashilanto, geeddi-socodyadaas muhiimka ahna way fashilmaan," ayuu sharaxay Poul Jennum.

Maxaan ka fahmaynaa hurdada xun?

Hurdada xun ma aha oo kaliya in hal habeen aad soo jeedo. Waxay ku saabsan tahay hab-nololeed soo laablaabma muddo ka dib. Poul Jennum wuxuu farta ku fiiqay saddex arrimood oo lagu garto hurdada xun:

  1. Tayada hurdada oo liidata: Inaad soo toosto adigoo daalan, aan firfircoonayn, oo aan dareemayn in jirkaagu dib u soo kabtay.

  2. Wareegga hurdada oo aan degganayn: In xilliga jiifka iyo soo toosiddu ay maalinba si yihiin.

  3. Hurdo yari: Inaanad helin saacado ku filan oo hurdo ah.

Saddexdan arrimoodba waxay xidhiidh la leeyihiin kororka khatarta cudurada dambe. Arrintu ma aha oo kaliya dareenka daalka, laakiin waa saameynta bayoolojiga ee dhacda marka jirku uusan helin fursad uu ku dhamaystiro shaqooyinkii habeenkii ee nolosha u muhiimka ahaa.

Hurdada oo ah goobta dayactirka jirka

Markaan seexanno, jidhku wuu shaqeeyaa. Nidaamka difaaca ayaa la xoojiyaa. Hormoonnada ayaa la nidaamiyaa. Muruqyada, unugyada iyo nudaha ayaa la dayactiraa. Maskaxda ayaa laga nadiifiyaa haraaga sunta ah ee ku urura maalintii. Xusuusta ayaa la kala saaraa, la kaydiyaa, laguna dhex darayaa wixii dhacay maalintii. Isla mar ahaantaana, jidhku wuxuu nidaamiyaa isticmaalka tamarta, si sonkorta dhiigga og kaydka tamartu u noqdaan kuwa isku dheelitiran.

Haddii hurdadu xumaato, shaqadan ayaa la carqaladeeyaa. Muddo ka dib, waxay keeni kartaa isbeddello xagga jidhka ah oo kordhiya khatarta cudurada. Cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in hurdada xun ay xidhiidh la leeyahay bararka (inflammation) gudaha jirka ah. Bararku waa habka difaaca dabiiciga ah ee jirka, kaas oo firfircoonaada marka aan la kulanno caabuq ama dhaawac.

  • "Haddii bararkaas uu sarreeyo muddo dheer, wuxuu bilaabayaa inuu culays ku keeno jidhka. Bararka daba-dheeraada wuxuu xidhiidh la leeyahay horumarinta cudurro dhowr ah, oo ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha, xanuunka macaanka ee nooca 2-aad (Type 2-diabetes) iyo cudurrada qaarkood ee difaacu ku weeraro jirka (autoimmune diseases)."

Wareeg xun oo ah caadooyin aan caafimaad qabin

Hurdada xun mar dhif ah ayay keligeed timaadaa. Waxay xidhiidh dhow la leeyahay hab-nololeedkeena.

  • "Markaad hurdo yaraato, nidaaminta rabitaanka cuntada ayaa isbeddelaysa. Jidhku wuxuu soo saaraa hormoonno badan oo keena gaajo, iyo kuwo yar oo keena dhereg. Natiijadu waa rabitaanka cuntooyinka sonkorta iyo dufanka badan. Muddo ka dib, tani waxay keeni kartaa miisaan korodh iyo khatarta macaanka," ayuu leeyahay Poul Jennum.

Sidoo kale, rabitaanka iyo tamarta dhaqdhaqaaqa ayaa hoos u dhaca. Waxaad ka baaqataa jimicsiga sababtoo ah waad daalan tahay. Jimicsi la'aantuna waxay markale horseedaa hurdo xun. Waxay noqonaysaa wareeg xun oo hurdada, cuntada iyo dhaqdhaqaaqu ay si taban isku saameeyaan.

Hurdada og khatarta cudurada raagay

Waxaa maanta jira cadaymo adag oo muujinaya in hurdada xun ay xidhiidh la leeyahay cudurada raagay:

  • Hurdo gaaban (ka yar 6 saacadood): Waxay xidhiidh la leeyahay miisaan xad-dhaaf ah, macaanka, cudurada wadnaha, iyo faaligga (stroke).

  • Dhimashada: Dadka muddo dheer hurdo yar ku nool waxay leeyihiin khatar sare oo dhimasho ka horreysa waqtigooda marka la barbar dhigo kuwa seexda si ku filan.

Hurdada og Caafimaadka Dhimirka

Xidhiidhka ka dhexeeya hurdada iyo caafimaadka dhimirka ayaa si gaar ah u adag. Dadka badankiisa ee qaba niyad-jabka (depression) waxay qabaan dhibaato xagga hurdada ah. Sidoo kale, walwalka (anxiety) ayaa xidhiidh dhow la leh hurdada.

  • "Mararka qaar dhibaatada hurdadu waxay ka dhalataa xaalad maskaxeed, mararka kalena waa calaamadda ugu horreysa ee isu-dheelitir la'aan maskaxeed. Hurdo la'aantu waxay saameysaa awoodda maskaxda ee nidaaminta shucuurta iyo la tacaalidda walwalka."

Imisa saacadood ayay tahay in la seexdo?

Hay’adda Caafimaadka ee Danmark (Sundhedsstyrelsen) waxay kugula talinaysaa in dadka waaweyni ay seexdan inta u dhaxaysa 7 ilaa 9 saacadood habeen kii. Baahidu way ku kala duwan tahay qof kasta, laakiin badiba dadku waxay u baahan yihiin ugu yaraan 7 saacadood si ay ugu shaqeeyaan si heer sare ah.

Sidee ku abuuri kartaa caadooyin hurdo oo wanaagsan?

  1. Ilaali xilliyada jiifka: Hurdo tag oo soo toos wakhti isku mid ah maalin kasta, xitaa maalmaha fasaxa.

  2. Iska dami shaashada : Ka fogow taleefannada iyo TV-ga ugu yaraan hal saac ka hor intaadan seexan.

  3. Ka fogow kafe cabid iyo khamriga: Ha  kafeyn ama cunto culus goor dambe oo caweyskii ah.

  4. Dhaqdhaqaaq iyo iftiin: Hel iftiinka qorraxda maalintii, jidhkana dhaqaaji si wareegga jirkaagu u xoogaysto.

  5. Qolka jiifka: Hubi in qolkaagu yahay mid mugdi ah, qabow ah, oo aamusan.

  6. Sariirta: Sariirta u isticmaal oo kaliya hurdada iyo nasashada – ha ku dhex shaqayn, hana ku isticmaalin aaladaha elektaroonigga ah.

  7. Ha isku qasbin: Haddii aad seexan weydo 20 daqiiqo ka dib, kac oo samee wax dagan ilaa aad ka dareemayso hurdo.

  8. Samir yeelo: Caadooyinka hurdada ee wanaagsan waxay u baahan yihiin waqti (badanaa ilaa 3 bilood) si jirku ula qabsado.

Haddii aad raacday talooyinkan muddo saddex bilood ah adigoo weli dhibaataysan, waxaa wanaagsan inaad la tashato dhakhtarkaaga.

Xigasho: Professor iyo takhtar sare Poul Jennum,

Xarunta Daawaynta Hurdada ee Denmark,

Rigshospitalet.

Tarjumaada: Mohamed-Amin Siyad Abdi

Category