Imtixaanka fasalka dhexe ee Koonfurta Soomaaliya oo maanta billaambay

Muqdisho (RH)-Inta badan magaalooyinka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxaa maanta oo Sabti ah ka billowday imtixaanka fasalka dhexe, kaasoo horrey u baaqday sababo la xiriira safmarka COVID 19.

Magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish ayaa daahfuray imtixaanka saaka waxaana u fadhiistay 26,494 oo arday.

Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Koonfurta ayaa sidoo kale imtixaanka uu saaka iyana ka furmay.

Ammaanka ayaa aad loo adkeenayay goobaha imtixaanka ardaydu ay ku galayaan.

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka fasalka dhexe ay u fadhiisanayaan illaa 37,oo arday.

Muqdisho: 26,000 oo arday oo imtixaanka fasalka dhexe u fadhiistay

Casharada ayaa ardayda bilihii ugu dambeeyay ay ku qaadanayeen aaladda fagaan aragga ee Zoom-ka loo yaqaanno.

Ardayda imtixaanka galeysa ayaa wajiyadooda laga aqrisan karay farxad ku aadan in marka imtixaanka u dhammaado ay u gudbi doonaan fasalka sare.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category