Itoobiya: "Xasilooni darrada waxaa dalka ka abuuray kooxa horay iisu abaabulay"

Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya Adaanech Abebe ayaa BBC u sheegtay dad masaakiin ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dilka loo geystay Hachaaluu Hundeesaa in lagu laayey deegaanka Oromada.

Adaanech waxay sheegtay rabshadihi ka dhashay dilka fannaanka loo geystay dadka ku dhintay intooda badan iney ahaayeen kuwa horay iisu abaabulay si ay dalka qalalaaso uga abuuraan.

Waxayna xeer ilaaliyuhu intaasi ku dartay rabshadihi toddobaadki hore dalka Itoobiya ka dhacay dadka loo xirxiray iney gaareen 2,700 oo qof.

"Xogta ilaa iyo hadda aan hayno dadka ugu badan ee rabshadaha ku dhintay iyo dadka masaakiinta dilka u gestayba iney ahaayeen dad horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray, balse ay ahayn dhacdo si kadis ah ku dhcday" ayey tiri.

Xeer ilaaliyaha oo sii xoojineyso iney jireen dad rabshadaha ka horba isabaabulay oo heegan ku jiray waxay sheegtay marki la maqlay in fannaanka la dilayba iney soo baxeen kooxa hubeysan oo hub, fooneeyaha lagu wada xiriiro isla-markaana adeegsanayo idaacado maxalli ah.

"Dowladda si ay rabshadaha u soo afjarto shaqsiyaadkii looga shakiyey iney ku lug lahaayeen oo ay ka mid yihiin Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa waxay hub iyo qalab isgaarsiin oo ay sharci u haysan ay kala wareegtay xubnahaasi, iyaga oo warbaahintoodaa farriimo ficilladooda garab siinayo oo dalka ammaankiisa khatar gelinaya ka baahinayey" ayey tiri.

Kooxda mucaaradka ee Baalderaas uu hoggaamiyo Iskindir Naggaa "waxay iyaguna howlgeliyeen dhalinyaro Qeero caysa, kuna dhawaaqa hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen Oromo nama maamuleyso oo caasimaddana rabshado ka sameeyo".

"Kooxahan haddii ay ahayn kuwa horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray oo sugayey fursad ay danahooda ku fushadaan, ma dhacdeen in saacada iyo daqiiqada gudahood ay ficilladaasi ku dhaqaaqaan."

Xeer ilaaliyaha Federaalka Itoobiya Adaanech Abebe waxay sheegtay "Deegaanka Oromada dad masaakiin ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dilka Hachaaluu Hundeesaa oo aan siyaasadna lug ku lahayn in iyaga oo guriyahooda ku sugan dilal looga geystay".

"Haddii ay ciidamada ammaanka naftooda u huri lahayn si ay rabshadahan u joojiyaan, rabshadihi dhacay waxaa ka dhalan lahaa waxyeello laga argagaxo dalka oo dhanna saameeya, qasaaraha ka dhashayna intaan wuu ka badan lahaa" ayey tiri.

Rabshadaha toddobaadkii hore ka dhacay dalka Itoobiya oo loo xirirxiray dad gaaraya 2,700 qof 1,714 ka mid ah waxaa lagu xiray deegaanka Oromada halka magaalada Addis Ababana ay boolisku ku xireen dad gaaraya 1,000.

"Dowladda tallaabbooyinka ay qaadday oo dhan waxay ahayeen kuwo ay dalka ku xasilineyso si ay shacabka isaga horiman qaab diimeed ama qowmiyadeed maadaamaa ay khatar aad u weyn ay ka iman karto, iskuday kasta oo lagu doonayo in rabshado lagu abuuro ama lagu hiriyana waxay dowladda qaadeysaa tallaabbooyin sharci ah oo ay ficilladaasi kaga hortageyso" ayey tiri.

"Dilka fannaaka Hachaaluu Hundeesaa dadka looga shakiyey oo loo qabqabtayna waxay gaareen 10 qof" ayey tiri xeer ilaliyuhu.

Dadka ay dowladdu u qabatay ama ay la xiriirisay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay iyo dilki fannaanka loo geystayba xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee federaalka wuxuu ku dadaalayaa sidi degdeg tallaabba sharci ah looga qaadi lahaa" ayey tiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya Adaanech Abebe oo BBC u warrantay.

Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed?

Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama.

Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta.

Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005.

Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaada, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-ka. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media neywork.

Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray "dhibaatooyin" uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoona hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada.

Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay.

Kacdoonkii isbadel doonka

Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee 'Qeeroo' oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo.

Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra'isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi.

 

xigasho. BBC

Category