In ka badan 15 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, sida uu BBC-da u sheegay, Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Koojaar) oo ah taliyaha nabad sugidda Jubbaland.

Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo ku sugan halkaas, Inkasta oo ay odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

 

isha warka . BBC

Category