Maamulka Laascaanood Oo Ka Warbixiyey  Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Dooxadda Ooda-gooye

Laascaanood(RH)Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdicasiis Maxamed Xuseen Taarwale ayaa shaaciyey inay xalay 11kii habeenimo ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday Dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

 

Maayarka Laascaanood oo la hadley  Warbaahinta ayaa waxaa uu u mahadceliyey Maamulka degmada, ka gobolka, Ciidammada Ammaanka iyo shacbiga Laascaanood oo ka qaybgalay gurmadkii lagu bakhtiiyey dab shalay iyo xalay saddex jeer ka kacay dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood.

 

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu intaas ku daray in ciidammada ammaanku ay baadhayaan sababtii uu dabku u qabsaday dooxadaas oo baaxadeedu dherer tahay 20km, waxaanu u mahadceliyey shacbiga iyo laamaha dawladda Gobolka Sool oo aan u kala hadhin damintii dabkaasi.

 

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxaa uu u mahadceliyey Warbaahinta kala duwan ee Somaliland,isagoo ku Bogaadiyey  kaalintii weynayd ee ay ka Qaateen  wacyigelinta bulshada reer Laascaanood ee gurmedka Dabkaasi 

Category