Madaxweyne Muuse Biixi oo booqday xarunta warshadaha ee Hawassa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqasho ku tegay xarunta warshadaha ee Hawassa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fana.

Booqashada ayaa waxaa madaxweynaha Somaliland ku wehliy madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein, guddoomiyaha guddiga maalgashiga Lissie Neme iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.

Maamulaha Xarunta Warshadaha ee Hawassa Mr. Fitsum City ayaa wediga ku soo dhaweeyay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxtarka wayn ee ay xaruntani ka geysanayso horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqdo xaruntan, waxaanu sheegay inuu aad ula yaabay shaqada halkaas ka socoto.

Xarunta waxaa lagu tilmaamay inay tahay midda Afrika ugu wayn. cabirkeedu wuxuu yahay 149 hektar oo warshado keli ah ay ku yaallaan.

 

xigasho BBC

Category