Maxaad u "argagaxdaa" marka mobile-ka lagaa qaado?

Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga.

Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King's College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay "argagaxaan" marka laga qaado mobile-ka.

Sidoo kale, da'yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah.

Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo "cawaaqib aad u xun" oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda.

Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray "dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah".

Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda - waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan - kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen.
'Ka joog'

Dhaqanka noocaas ah wuxuu xiriir la lahaan karaa dhibaatooyiin kale ee caafimaad, sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa ka mid ah, walbahaar, murugo, hurdo la'aan iyo damiinnimo.

"Telefoonnada casriga ah, waa in la iska daayo, lana fahmo dhibaatada uu isticmaalkoodu leeyahay," waxaa sidaa sheegay mid ka mid ah dadka qoray warbixinta, Nicola Kalk, oo ka tirsan qeybta Barashada Cilmu-nafsiga ee King's College, London.

"Weli makala cadda in telefoonka uu yahay dhibaatada ama barnaamijyada lagu shubo ee dadku isticmaalaan," ayuu hadalka ku daray Dr Kalk.

"Sikastaba, waxaa loo baahan yahay wacyigelin dadweyne oo la xiriirta telefoonnada casriga ah iyo wixii gudahooda ku jiro iyo isticmaalka carruurta iyo dhallinyarada. Waalidiintu waa in ay ka warhayaan wakhtiga ay carruurtooda ku bixinayaan isticmaalka mobile-lada."

Samantha Sohn oo wax ka qortay warbixinta cilmi-baarista waxay sheegtay in qabatinka "uu yeelan karo cawaaqib aad u xun oo caafimaadka maskaxda ah iyo sida ay maalin kasta u falgasho maskaxda. Waxaana loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah in lagu sameeyo dhibaatada adeegsiga telefoonnada".

Balse, Amy Orben, oo ah baare caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Cambridge, waxay ka digtay in la maleysto in xiriir caadi ah uu ka dhexeeyo dhibaatada telefoonnada casriga ah iyo walbahaarka.

"Waxaa horey loo caddeeyay in saameynta telefoonnada casriga ah, aysan ahayn hal dhinac oo keli ah, balse in sida ay tahay niyadda qofka ay keeni karto isticmaalka badan ee mobile-ka," ayey tiri Dr Orben.

Xiggasho:BBC

Category