Mohammed-Ajjawi oo aanu ka wareysaney Get2Sport.

RH Kolding: Get2sport Waa mashruuc ay u jeedadiisu tahay in uu aktivitet ama dhiirigallin dhanka Isboortiga ah u sameeyo caruurta degan xaafadaha isku raranta ah ( Ghetto) , Mashruuca Ghetto Sport waxa uu socdaa mudo 12 sanno ah,  waana mashruucii ugu muddada dheeraa wadadka Denmark sida uu ku tiraabey Mohammed Ajawi.

Waxa mashruucu hoos yimaadaa  dhaqaale ahaan  Dansk Idræts Forbund ( DIF) hayada ciyaaraha fudud ee wadanka Denmark.

 Mashruuca waxaa ka shaqeeya marka laga tago Mohamed Ajawi gabadh kale oo dhallinyaro ah

Waxaaney ku shaqeeyaan labadooduba part time ama wakhti badh.

Waxaan weydiiyey Mohammed hawlaha ay qabtaan

Waxaanu qabanaa mashaariic kala duwan oo ka socda xaafadaha Skovparken, Skovvejen iyo Munkebo  waxaanu ka caawinaa tallo bixinta dhanka iskudubaridka ama agaasinka, qallabka ay u baahanyihiin  sida kubadaha iyo waliba mararka qaar qorida mashaariicda tusaale ahaan  qaabkii ay u qoran lahaayeen  iyo goobtii ay ka codsanlahaayeen oo aanu u tilmaano.

Waxa aan sidoo kale waydiiyey bal in uu magacaabo qaar ka mid ah mashaariicdaas ay caawiyaan ,

Waxaa ka mid ah  Tekwendo klup ,MFI  Munkvænget, Sjovfredag, Sjovlørdag, Fædre gruppen, kulturale bro bygning (dugsiga af carabiga ee kolding oo xaruntiisu tahay Munkvænget) sidoo kale waxaanu tababarnaa  tababarayaasha kubada cagta.

”Waxaanu haynaa sidoo kale koox caruurta oo kubada ciyaarta oo da’doodu u dhaxeyso 06-18 sanno”

Mar uu ka hadlayey wax qabad koodii sannadkan ayuu yidhi sidan

 ”Bishii Ogosto ee sannadkan 2019 ka  waxaanu sameynay maallinta ururada ciyaaraha ee kolding oo lagu qabtey Munkvænget halkaas oo la kulansiiyey ururada ciyaaraha fudud iyo waallidiinta iyo caruurta xaafadaas deggan waxaana kasoo qeybgaley 100 isugu jira caruur iyo waalidiin,

Waxa kale oo aanu sameynay tababar qaatey toban kullan oo lagu baranayey kaluumeysiga”.

 ayuu yidhi Mohamed Ajjawi oo u waramayey Radio Hormuud.

Mohamed iyo mashruuciisa Get2sport  waxa ay dhawaan ku tallo jiraan in ay  sameeyaan Billede skole (Dugsiga farshaxanka) si ay caruurtu wakhtigooda firaaqada  farshaxanka sawirka ugu bartaan.

nkh

Ugu dambeyn waxa uu Mohamed 15.Nov.19  ka qeybgalay munaasibad ka dhacdey magaalada Kobenhagen gaar ahaan garoonka kubada cagta kaas oo mashaariicda Get2sport ee wadanka Denmark lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf iyo jeeg lacageed oo dhan 50,000 Euro waxaana gudoonsiisey hayda ciyaaraha fudud ee qaarada Yurub  UEFA .

Category